Mas’uuliyiin soo kormeeray Dhaamka weyn ee degmadda Xaaji Saalax

0
189

Hargaysa(Dawan) Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada JSL ayaa kormeer ku soo marey Dhaamka Weyn Degmada Xaaji Saalax.

Wasiirka wasarrada Horomarinta Degaanka iyo isbedelka Cimilada ,oo ay wahelinaayeen Agasimaha Guud Wasaradda Reer Miiga iyo Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh ayaa si wado jir ah u soo kormeray Dhaam weyn Ee Degmada xaaji Saalax, iyadoo xukuumada Somaliland ka maalgalineyso Miisaaniyada Qaranka qodida Dhaam Biyoodkaasi.

Gudoomiyaha Degmada xaaji Saalax Cali Muuse Faarax iyo isuduwaha wasaradda khayraadka Biyaha Degmadaasi xaaji saalax axmed Colaad ibraahim waxaanay si wado jir ah uga warameen habsami u socodka howshaasi dhaamka oo meel fiican maraya, halka sidoo kalena Dhaambiyood la mid ah ka xaaji saalax uu ka socdo Gobolkaasi Oodweyne iyo mashaariic horumarineed oo ka socda deegaankaasi.

Guddomiyaha Gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye xayd ,Agaasimaha Guud Wasaradda Horumarinta Reer miiga Mahad Maxamed Siciid ayaa shirkada gacanka ku haysa qodista Dhaabiyoodkaasi ku bogaadiyey qaabka fiican howsha u wadaan ,dhaamkaasi oo ay baahi balaadhan u qabeen dadka degmadaasi xaaji saalax ku dhaqan .

Wasiirka Wasarrada Horumarinta Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Shugri Ismacil Baandare oo goobtaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa ka xogogaal warantay ahmiyada dhaam biyoodkaasi u yeelan doono dadweynaha degmmadaasi xaaji saalax ku dhaqan oo uu dabooli doono baahidi xagga biyaha u qabeen,halka shirkada gacanta ku haysa qodista dhaam biyood kaasi u bogaadisay khibrada ay u leeyihin qodista dhaaamka iyo ceel biyoood kaba.

Leave a Reply