Jawaab Burinaysa Marin-habaabintii WADDANI ku sameeyey Xeerarka Iskaashiga USA iyo Somaliland”

0
332

Hargeysa (Dawan)- Xisbi xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE ayaa si adag uga hadlay hadallo ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo lagu Marin-habaabinayo Xeerarka iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland, xeerkaasi oo sida bulshada reer Somaliland ka dheregsantahay ah mid guul weyn oo taariikhi ah u ah guud ahaan qaranka Somaliland.

Xisbiga KULMIYE ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray hadalka xisbiga Waddani ku marin-habaabinayo xeerka iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan :- “ Waa markii u horresyay ee intii Jamhuuriyadda Somaliland jirtay uu mid ka mid ah Baarlamaanka dalalka waaweyn ee caalamka la horkeeno, ka doodaan, ansixiyaana Xeer si gaar ah loogu xusayo Somaliland iyo iskaashiga dalkaasi la yeelanayo, isla markaana uu weliba Xeerkaasi noqday mid dhaqangal ah oo uu ilaa heer Madaxweyne saxeexo.

Waxa kaloo guushaas macno wayn u sii yeelaya in dalkan Xeerarkiisa ku darsaday danaha ay wadaagi karaan Somaliland ee labada dhinacba ay ka wada faa’iidaysan karaan uu yahay Maraykanka oo la ogyahay saamaynta Diblumaasiyadeed, Dhaqaale iyo Millatari ee uu adduunka ku leeyahay, kaas oo dhawaan meel-mariyey Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka ee sannadka 2023 (National Defence Authorization Act, NDAA-2023) oo qaybo ka mid ah lagu daray Jamhuuriyadda Somaliland (Eeg Tix-raaca hoose ee Xeerka NDAA – link).

Inta aan lagaba hadlin midhaha iyo faa’iidada ay Somaliland Xeerkan ka dheefi karto waxa guul ah in labada aqal ee Baarlamanka Maraykanka ee Koongereyska iyo Senatka (Congress iyo Senate) iyo guddiyadooda kala duwan ee u qaabilsan Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ay ka dhex socdeen doodo iyo shaqooyin lagu unkayey Xeerar kala duwan oo ku saabsan Somaliland, kuwaas oo curintooda iyo diyaarintoodu soo bilaabmeen wixii ka dambeeyey Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Maraykanka bishii March ee sannadkan 2022, kaas oo wax weyn ka beddelay, siina xoojiyey xidhiidh Somaliland iyo Marayknaka.

Xeerarkaas waxa ka mid ah:

  1. Xeerka Iskaashiga Somaliland (S.3861 – Somaliland Partnership Act), kaas oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Maraykanku curiyeen bishii March 2022, isla markaana Guddida Arrimaha Dibedda Aqalka Sare (Senate-ka) ay dhawr jeer doodo iyo akhris ku sameeyeen, kadibna ay ansixiyeen, una gudbiyeen gole waynaha, iyadoo inta loo sameeyey summad gaar ah (Calendar No. 405) lagu daray diiwaanka Xeerarka u bisil in Baarlamanku ka doodo (Eeg Tix-raaca hoose – link).
  2. Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada (Congress-ka) oo la yidhaa Scott Perry, ayaa 18kii March 2022 u gudbiyey Guddiga Arrimaha Dibedda ee Koongereyska Xeerka Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland (H.R.7170 Republic of Somaliland Independence Act), kaas oo la horgeeyey gole waynaha aqalka Wakiillada, kadibna loo gudbiyey Guddiga Arrimaha Dibedda oo uu ilaa hadda horyaallo (Eeg Tix-raaca xagga hoose – link).
  3. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa 23kii December 2022 si buuxda u saxeexay, una dhaqangeliyey Xeerka Ogolaansha Difaaca Qaranka ee dalka Maraykanka ee sannadka 2023 oo loo soo gaabiyo NDAA (National Defence Authorization Act, NDAA-2023), kadib markii labada aqal ee Baarlamanka Maraykanka ee kala ah; Senate iyo Congress ay hore u soo ansixiyeen Xeerka.

Xeerkan Ogolaanshaha Difaaca Maraykanka waxa ku jira qaybo iyo qodobo si gaar ah uga hadlaya Xidhiidh Diblumaasiyadeed, mid Dhaqaale iyo iskaashi Amni oo dawladda Maraykanku ay si toos ah ula yeelanayso Somaliland (Eeg warqadda Lifaaqa la socota ama Tix-raaca hoose ee Xeerka NDAA).

Xeerarkan kala duwan ee Maraykanka ee la xidhiidha arrimaha Somaliland, gaar ahaan Xeerkan u dambeeyey ee Difaaca Maraykanka waxa uu guul wayn u yahay qaddiyadda iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama aanay weligeed u hore u dhicin in Maraykanka ama waddan kale oo dunida ku yaal uu sameeyo Xeer lagu kala saarayo Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba, waxa la yaab leh in Xisbiga WADDANI ee ka mid ah saddexda Xisbi ee uu ka dhacay Liisankoodii xisbinimo uu ka soo horjeedsado Xeerkan guusha u ah Qaranka Somaliland, kadib markii masuulka ugu magacaaban Xoghayaha Warfaafinta, Maxamuud Jaamac Galaal shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii 28kii December 2022 uu warbaahinta la soo hor fadhiistay hadallo uu ku marin-habaabinayo nuxurka uu xambaarsan yahay Xeerkani iyo faa’iidada ugu jirta Qaranka ee ku xusan qodobka 1275 (Eeg Warqadda Lifaaqa – attachment).

Bal aan halkan ku iftiimiyo khaladaadka iyo been-abuurka uu WADDANI kaga hadlay Xeerarka Maraykanka ee ku saabsan Somaliland:

  1. A) WADDANI wuxuu isku khalday labada Xeer ee kala ah; Xeerka Iskaashiga Somaliland (S.3861 -Somaliland Partnership Act) iyo Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka 2023 (National Defence Authorization Act, NDAA-2023), isagoo masuulka u hadlay sheegay in Maraykanku meesha ka saaray oo uu saqiiray Xeerka Iskaashiga Somaliland. Haseyeeshee, waxa xaqiiq ah in aannu Xeerkaasi saqiirin ee uu marayo meel fiican, waxaanu hadda horyaallaa Aqalka Odayaasha (Senate-ka) oo geliyey diiwaanka u diyaarsan in waqti kasta laga doodi karo (Eeg Tix-raaca halka uu hadda xeerkaasi marayo – linkiga hoose).

Dawladda iyo shacabka reer Somaliland-na waxay rajaynayaan in Xeerkaasi uu ka gudbo Baarlamanka oo uu dhaqangalo, laakiin Alle kama dhigo in sida WADDANI jecelyahay uu Xeerkaasi fashilmo.

  1. B) Masuulka WADDANI waxa uu qariyey in qodobka 1275 ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka 2023 uu yahay mid gaar u ah dalka Somaliland sida ka muuqata Ciwaankiisa oo ah sidan: (SEC. 1275. REPORT AND FEASIBILITY STUDY ON COLLABORATION TO MEET SHARED NATIONAL SECURITY INTERESTS IN EAST AFRICA. (a) Report on Foreign Assistance and Other Activities in Somaliland) oo macnaheedu yahay “Warbixin iyo Daraasad ku saabsan Wadaagga Danaha Amniga Qaranka ee Bariga Afrika. (a) Warbixinta Kaalmada Dibedeed iyo Hawl-gallada kale ee Somaliland.” (Eeg Warqadda lifaaqa ku dahaadhan).

Sida halkan ku cad qodobkani marka hore waxa uu si guud u xusayaa Iskaashiga Maraykanku kala yeelanayo danihiisa Gobolka Bariga Afrika, si gaar ahna waxa uu u soo qaatay Somaliland, laakiin ciwaanka qodobkan meelna lagagama qorin magaca Soomaaliya, waxaanay tani caddayn u tahay in qaybta xeerkan loogu talogalay Somaliland, isla markaana Maraykanku doonayo inuu si toos ah oo ka madaxbannaan Soomaaliya uu ula macaamilayo Somaliland.

Ciwaanka qodobkani xambaarsan yahay ee muujinaya inuu gaar u yahay Somaliland waxa xaqiijin u ah Farqadda 1aad ay Qeexaysa in Guddiyada Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Senate-ka iyo Congress-ka loo soo gudbinayo warbixinno la xidhiidha taageerada iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ah ee dhexmari doona Somaliland iyo Maraykanka oo weliba loo xadiday waqti go’an oo ah ugu dambayn 30 bisha September 2023ka in lagu soo gudbiyo, iyadoo arrintaasi si sannadle ah u soconayso muddo muddo Shan sanno ah. Taa beddelkeeda marnaba wax la yidhaa Soomaaliya halkan laguma xusin.

Waxa kaloo Xeerku ku waajibinayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka kadib marka uu la tashado maamulka Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah inuu Guddiyada Baarlamanka u soo gudbiyo warbixin lagu soo dhammeystirayo muddo 12 bilood ah, taasoo lagu faahfaahinayo caawimada Maraykanku siinayo Somaliland iyo iskaashiyada dhinacyada kala duwan ee labada dal dhexmaraya, gaar ahaan, ‘In la qeexo caawimada ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilani ay siiyaan Somaliland.’ Mar kale, halkan meelna kagama jirto Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadeeda midna (caddaynta ka eeg Qodobka 1275, farqaddiisa 2aad, Xarafka ‘A’ iyo qaybteeda (i) ee Xeerka guud NDAA ama warqadda lifaaqa ah).

Marka laga yimaado caawimada iyo xidhiidhka Maraykanka uu sida tooska ah ugu qoondeeyey Somaliland, waxa kaloo Xeerkan amrayaa in caawimada kale ee Maraykanku ku bixiyo magaca Soomaaliya ay Somaliland si gaar ah uga hesho saamigeeda oo warbixin caddaynaysa arrintaa loo gudbinayo Guddiyada Baarlamanka.

  1. C) Waxyaabaha uu masuulka WADDANI si khaldan u marin-habaabiyey waxa ka mid ah, in Xeerkani meesha ka saarayo madaxbannaanidii Somaliland oo uu hoos-geynayo Soomaaliya. Haseyeeshee, sida ku cad qaybaha hoose ee ka farcamay Farqadda 2aad ee qodobka 1275 ee Xeerkan meelaha uu kaga hadlayo Somaliland iyo Soomaaliya waxay si cad oo aan madmadow ku jirin loo kala xusay Somaliland iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya oo habka magacyadu u kala qoran yihiin muujinayso inay laba kala duwan yihiin oo aan Somaliland qayb ka ahayn Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyadeeda (Eeg warqadda lifaaqa ama Xeerka guud ee NDAA).
  2. D) Waxa kaloo Xeerkan ku cad in Maraykanku kala saaray danaha dhinaca ammaanka iyo tabobarrada ciidammada ee uu la kala yeelanayo Somaliland iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya.
  3. E) Ugu dambayn, qodobkan Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Maraykanka qaybta ku saabsan Somaliland waxa lagu soo gunnaanaday in inkastoo Maraykanku sidaa tooska ah ula macaamilayo Somaliland, haddana, in aannu dal madaxbannaan u aqoonsan Somaliland, taasina waa xaqiiq jirta oo cid waliba ogtahay, balse xidhiidh toos ah iyo iskaashi wadashaqayneed oo Maraykanku la yeesho Somaliland waa aqoonsi dadban iyo guul aanay hore Somaliland weligeed u gaadhin.

Hadda bal qabsoo Maraykanku dal madaxbannaan uma aqoonsana Taiwan, sidaas oo ay tahay haddana waa mid ka mid ah xulafadiisa waaweyn oo uu toos ula macaamilo, arrintaasina waa mid ka mid ah qodoboda huriya khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha. Sidaas darteed, haddii Somaliland meeqaam la mid ah ka Taiwan ka hesho Maraykanka waa guul Diblumaasiyadeed oo ay heshay.

Haddaba, guulahan siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadhay waxay mudan yihiin in reer Somaliland mucaarad iyo muxaafidba ay si wadajir ah u soo dhaweeyaan, kana wada shaqeeyaan sidii ay guulo kale oo hor leh ugu soo hoyn lahaayeen Qarankooda, laakiin waxa muuqata in xisbiga Liisanku ka dhacay ee WADDANI uu kala garanwaayey libta u soo hoyatay Qaranka Somaliland iyo xafiiltanka siyaasadda ee gudaha, waxaana ayaan-darro ah in xisbi doonaya inuu u taliyo waddankan uu maanta la mowqif noqdo kuwa ka soo horjeeda horumarkiisa sida dalka Shiinaha oo Somaliland ku colaadinaya Xidhiidhka iskaashi ee ay la samaysatay dalka Taiwan oo ka mid ah saaxiibada Dimuqraadiga ah ee Maraykanku leeyahay, iyadoo dawladda Shiinuhu war ay soo saartay 24kii bishan December 2022 ku cambaaraysay meelmarinta Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka 2023 (NDAA).

Ugu dambayn, xeerarkan iyo dhaqdhaqaaqyada ku saabsan qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka socda gudaha dalka Maraykanku waxay shacabka reer Somaliland, dawladooda iyo xisbiga KULMIYE u arkaan guul taariikhi ah oo ay hanteen, halka xisbiga ku-meelgaadhka ah ee WADDANI uu isagu arrintaa u arko guul-darro siyaasadeed oo ku dhacday Somaliland, hase ahaatee, taariikhdaa xusi doonta cid waliba waxay dalkan gashatay iyo waxay u dhittaysayba.”

Cali Jaamac Maxamed

Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

 

 

 

 

 

Leave a Reply