Saadaasha Roobabka Xayska ah oo ay ka hadashay Wasaaradda Beeruhu

0
153

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ka warbixiyay Saadaasha Roobkii xayska oo ka bilowday Dalka.

Wasiirka Wasaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey Sadaasha Roobabkii Xayska oo ka biliwdey wadanka, Waxaanu xusay in Roobabkaasi xayska la saadaalinayo in gobolada dalka oo dhan uu ka di’I doono, Waxaa kale oo Wasiirka Horumarinta Beeruha Somaliland Mudane Cabdiqaadir Iiamaan uu xusay in Saadaasha ay hayaan tilmaamayso in toddobaadkan gudihiisa roobab dhexdhexaad ahi ka di,I doonaan dalka ,gaar ahaana xeebaha iyo dhulka Buuraleyda ahba.

Iyadoo wasiirku warbixintiisaasi ku sheegay in gobolada Maroodijeex, Togdheer iyo Sool la filan karo in ay soo gaadhaan roobab lagu qabowsado,waxaanu wasiirku xusay in magaalada laascaanood roobabkii xayska ahaa ee ka da’ay ay bulshada magaaladaas ku dhaqani ku qabowsadeen.

Wasiirka Wasaradda Horumarinta Beeraha Somaliland wuxuu intaas ku daray in roobabkan hada bilaabmay ay hoos u dhigi doonaan baaxadi abaareed ee dalka ka jirtay.

Leave a Reply