Xildhibaano ka tirsan Gollaha Wakiillada oo ka hadlay Xaalada Magaaladda Laascaanood

0
119

Hargaysa (Dawan)  Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Shacbi weynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ka tacsiyadeeyey dadkii ku naf waayay Shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaaladaas.

Qaar ka mid ah xildhibanada Golaha wakiilada Somaliland oo warfidiyeenada ugu waramaayey xarunta Barlamanka Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadka shacabka ah ee Ku naf waayay dilal qorsheysan oo deegaankaasi ka dhacay, iyagoo xukuumadda Somaliland kula dardaarmay inay kaalinteeda qaadato isla markaana ay wax ka qabato dadka fulinaya dilalkaas oo khatar ku ah amniga waxaa kale oo ay dhanbaal tacsi ah u direen dadkii ku geeriyooday shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaaladda Laascaanood iyagoo ka dalbaday inay is dajiyaan kana fogaadaan inay sharciga gacantooda ku qaataan.

Xildhibanada Golahaasi wakiilada Somaliland waxay shacbi weynaha magaaladaasi laascaanood ka dalbadeen in ay ciidamada amniga kala shaqeyaan sugida nabadgalyada iyo xasiloonida ,waxaanay xildhibaandu xuseen in xeerarka khuseeya ciidamada, gaar ahaana isku soo baxyada dalka ka dhaca in ay dib u eegis ku sameyn doonaan, si aanay magaalooyinka dalka uga dhicin iska hor imaad dhex mara ciidamada Qaranka Somaliland iyo dadweynuhu, Waxayna intaas ku dareen in ciidanka qaranku  u xil saaran yahay jiritaanka qaran-nimada Somaliland iyo sugida amniga wadanka.

Leave a Reply