Wefdi Wasiirka Arrimaha Gudahu hogaaminayo oo kormeeray Deegaanada gobolka Togdheer

0
269

Qorulugud (Dawan)- Wefti ballaadhan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Wefdigan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Cali Xasan Maxamed, Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi, iyo masuuliyiin kale oo safar shaqo ku marayay Deegaanada Wadaamo-goo, Muraayada, Kaartada, iyo degmada Qorulugud ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey.

Weftiga ayaa la sheegay inay kormeereen goobaha ay ka socoto hawsha dib-u-furista Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, oo deegaamadaa si una  habsi ah uuga socoto.

Wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin oo usbuucii uugu dambeeyey ku sugnaa Gobolka Togdheer ayaa la sheegay in ujeedadiisu ahayd sidii ay bulshada gobolka uugu wacyigelin lahaayeen ka qeybqaadashada hawlaha diiwaangelinta.

 

Leave a Reply