Warqad Xamar laga qoray ma bedeli karto waaqici Somaliland Ka jira” Wasiirka Tamarta Md. Cabdillahi

0
326

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Tamarta & Macdanta Md. Cabdillaahi Faarax Cabdi ayaa sheegay in warqad Xamar laga soo qoray aanay bedeli karin waaqica ka jira Somaliland.

Wasiirka Tamarta Md. Cabdillahi iyo masuuliyiinta Wasaaradda oo shir jaraa’id qabtay ayaa jawaab cad ka bixiyey hadal ka yeedhay xukuumada soomaaliya, oo ka dhan ahaa kheyraadka shidaalka laga baadhayo dalka.

Waxuu sheegay in ceelka shidaalka eel aga qodi doono dalka aan laga maamuli doonin Soomaaliya, isla markaana xaqiiqada caalamka iyo shirkadaha hawsha ku hawlan la socdaan.

“Bayaanka Soomaaliya soo saartay waxaan leeyahay waa malo-awaal, aan macno lahayn, sababtoo ah JSL waxay leedahay distoor dadku u codeeyey iyo shuruuc dalka lagu maamulo, markaa ninka sheeganaya Somaliland wuu riyoonayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdillahi.

Wasiirka Tamarta ayaa sheegay in war saxaafadeedka Soomaaliya soo saartay aanu ahayn kii koowaad, balse hore 2012 ay mid soo saareen sidan oo kale uuga hadlayeen, waxba kama hirgelin.

Waxuu sheegay in shirkada sahaminta shidaalka Genel Energy aanay manta hawsha bilaabin, laakiin 12 sannadood heshiiskoodu soo socday, afar marxaladood oo baadhista batroolka ayuu soo maray, waana halkii u dambaysay imika. Sababta maanta Soomaaliya uuga hadlayso waa iyagoo ogaaday in mashruucu hirgelayo oo lagu guulaysanayo sannad dabadeed Ilaahay idamkii.

Wasiir Cabdillaahi ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan heshiis dhexmaray shirkada sahaminaya shidaalka Somaliland, ceelka somaliland laga qodayo inaanay Soomaaliya xukumin way ogyihiin.

 

Leave a Reply