Wasiirka Maaliyadda oo abaalmariyey cashuur bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa sannadkan

0
281

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in cashuur-bixiyeyaashu kala duwan yihiin, isla markaana ay jiraan ganacsato iyagoo aan la weydiin cashuurta ku waajibtay iska bixiya.

Munaasibad wasaarada Maaliyaddu qabatay oo ay ka soo qeybgaleen Wasiir-xigeenka Ganacsiga, Maayirka Caasimada, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo ganacsato kala duwan oo lagu abaalmarinayey cashuur-bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa sannadkan ayaa lagu qabtay Hargeysa.

Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga & Ku-xigeenkiisa oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in lagu abaalmarinayo 31 cashuur-bixiye ee uugu wanaagsanaa sannadkan.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah Wasaarada maaliyaddu abaalmarinayso cashuur-bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa, waxaanu bogaadiyey cashuur-bixiyeyaashii abaalmarinada la siiyey, waxaanu yidhi,

Waa munaasibad aynu si guud uugu mahadcelinayo dhamaan cashuur-bixiyeyaasha JSL, si gaar ahna loogu mahadcelinayo 31 dabakhay tilmaamaha maamulka xeerka cashuurahu tilmaamay ayuu yidhi.

Maayirka Caasimada Md. Cabdikariim Axmed Mooge oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada la abaalmariyey iyo Wasaarada Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay isugu yimaadeen munaasibad ka kooban hambalyeyn, bogaadin, guubaabin iyo dhiirigelin.

Dr Sacad ayaa sheegay in cashuur-bixiyeyaashu kala duwan yihiin, oo qaarkood iyagoo aan la weydiin waxii ku waajibay ay bixiyaan, qaar kalena ilaa laba ama saddex jeer lagu noqdo ma bixiyaan.

Leave a Reply