Xukuumada oo Ballanqaaday Bixinta Magta Dadkii ku Dhintay Mudaharaayadii Laascaanood

0
323

Laascaanod (Dawan)- Xukuumada ayaa shaaca ka qaaday inay bixin doonto magta dadkii ku dhintay mudaharaadyada ka dhacay Laascaanood, kulan ay la yeesheen ehelada dadkii dhintay.

Guddidii heer Qaran ee ku sugnaa gobolka Sool, kana koobnaa Wasiirrada, Agaasimayaasha guud, Xildhibaannada iyo maamulka gobolka Sool ayaa kulan la qaatey ehellada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laascanood.

Kulanka ayaa la sheegay in xukuumadu ehellada siisay aaskii Allah ha u naxariisto marxuumiintii ku dhintey mudaharaadka, iyadoo dhinac kale ballan qaaddey in ay bixinayso magta Allah ha u naxariisto dadkii ku dhintey.

Kulankaasi ayaa la sheegay inuu kusoo dhammaadey is-af-garad buuxa oo ay wada gaadheen Masuuliyiinta Dawladda iyo ehellada marxuumiintaasi.

 

Leave a Reply