- Dadka aqoonta lihi waxay ka fadilan yihiin dadka jaahiliinta ah sida qofka dhintay iyo qofka nooli u kala duwan yihiin.
- Qofka naftiisa ka waabiya wixii ay jeceshay wuu ka adag yahay qof jebiyey cadawgiisa, waayo guul waxaa ugu saraysa adigoo naftaada ka adkaada,
- Markaad mar walba naftaada ka dhaadhiciso inaad saxan tahay ogow waa marka aad khaldan tahay.
- Markad hawada neefsanayso dadkoo dhamina waa kula wadaagaan,
- Waxa aanad shaqo ku lahayn oo aad gashaa waa adigoo galay dagaal aanad hub sidan.
- Geedka midhaha badan, dad badan ayaa hareero taagan.
- Marka ay dhamaato rajadu xanuunkaa iyo werwerka ayaa bilaabma
- Ku dedaal inaad gasho albaabka furayaasha badan leh.
- Garaacida badani quraarada way burburisaa laakiin xadiidka way qurxisaa.
- Ka fagow wax yar qofka cadhada badan, ka aamusana weligaa
- Kelmada runta ahi maaha leeb laakiin waxay jeexdaa xaqiiqada.