“Laascaanood Waa Nabad, Meheradahu Way Furan Yihiin, Denay-na Waxaan Leeyahay..…”

0
367

Ceerigaabo (Dawan)- Wasiirka Cusub ee Hawlaha Guud Md. Mustafe Maxamuud Cali Bile oo sheegay in magaalada Laascaanod xasiloon tahay, ayaa madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland uugu baaqay inay Garoowe burbur ka ilaaliyo.

Wasiir Mustafe, oo shalay warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inuu la qabo madaxda u damqashada, u duceynta iyo tacsida intii ku dhimatay iyo inta ku dhaawacamay. Arrinka Laascaanod, laakiin xilligan ay nabadgelyo tahay, meheradahuna furan yihiin, waxaanu yidhi,

“Laascaanod maanta (shalay) waa nabad, meherad walba way furan tahay, Ilaahay ha ugu waddo.”

Mar uu ka hadlayey fidmada laga wado magaalada Laascaanod ayuu sheegay in dadka gudaha iyo dibeda ka wada Ilaahay ummada ka qabto, inta wadana ku koobo. Waxuu uugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu garoowe badbaadiyo.

“Madaxweynaha Puntland waxaan leeyahay Garoowe iyo Boosaaso ayaan isu-gudbin, maxaad ka qaban kartaa Laascaanod? Bal magaalada aad joogto ilaahay hakaa badbaadiyo.

 

 

Leave a Reply