Qurbajooggu hagar-daamada ha ka daayaan Gobolka Sool Baaq Wasaaradda Khaarajiga

0
218

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo baaq u dirtay qurbajooga caalamka ayaa ugu baaqday inay ka waantoobaan hagardaamada bulshada Gobolka Sool, bedelkeedana ka shaqeeyaan horumar iyo nabadgelyadiisa.

Qoraal uu soo saaray Sacad Maxamed Cabdi Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogga Somaliland, ayaa lagu bogaadiyey kaalinta Qurbajooggu ugu jiraan dhismaha dalka, waxaanu yidhi,

“Qurbajooggu waxay ugu jiraan dalka kaalin waxku ool ah dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda iyo nidaamka dimuqraadiyadda, xidhiidhka caalamka iyo guud ahaan geeddi socodka horumar ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ka masuul yihiin ilaalinta, difaaca iyo taabbo-gelinta danaha, mabaadii’da, mawqifka iyo martabadda Somaliland ee waddamada dibadda.

Dilalka soo noqnoqday ee Laascaanood oo intooda badan Hay’adaha Ammaanku cid u qabteen, lagana hawlgalay, waxaa ka dambeeya cadawga Somaliland ee ka xun nabadgelyada, midnimada qaranka, horumarka is taraya ee Laascaanood, Gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland.

“Waa inaan ka feejignaano cadowga doonaya inay dhaawacaan hanaqaadka dimuqraadiyadda Somaliland, diiwaangelinta ka socota dalka oo bulshada Sool kaalmo fiican ka galeen Ururada Siyaasadda ka soo gudbay wareegga koowaad, shacabka gobolkuna ku niyadsan yihiin inay xuquuqdooda siyaasadeed qaataan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Xafiiska Qurbajooggu ka war hayaa in qaarka mid ah dadka qurbajoogga ah ee jooga wadamo kala duwani ku hawlan yihiin taageeridda shaqaaqooyin nabadgelyo darro, guubaabo colaadeed, marin habaabin bulshada Gobolka Sool, inay ku baaqaan balaayo aan ka jirin Somaliland iyo inay ka faafiyaan Somaliland dacaayado iyo warar been abuur ah.

Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqayaa guud ahaan Qurbajoogga Somaliland inay xoojiyaan wadajirkooda bulsho iyo waxtarkooda dalka iyo difaaca midnimada qaranka, isla markaana ay ogaadaan dadka fidno-wadayaasha ah ee qurbaha ka soo abaabulaya dhibaatada gobol ay doonaan ba ha ka soo jeedaane.

Qoraalka Agaasimaha Qurbajooga ayaa uugu baaqay muwaadiniinta qurbajoogga inay ka waantoobaan caadifadda qabyaaladda lagu abaabulayo. Dadka dhaqaalaha lagaga urursanayo colaad la huriyo ama si kale uga soo taageeraya falalka nabadgelyo darro dalalka qurbaha (Europe, America Etc) kama duwana cid taageeraysa falal argagixiso.

 

 

 

 

Leave a Reply