Bulshadda reer Agabaroow Cod baa lagu tartamayaa waa in aad is diiwaan-gelisaan…” Badhasaabka Gabiley

0
170

Gabiley (Dawan): Wefti isugu jiray wasiirro, xildhibaamo, maamulka gobolka Gabiley, ka degmadda Gabiley, iyo masuuliyiin kale ayaa soo kormeeray deegaamadda ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Gabiley.

Weftigan waxaa hogaaminayay wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda C/weli Sheekh Suufi, waxaana ka mid ahaa badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, wasiir ku-xigeenka waxbarashadda, xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda, maamulka degmadda Gabiley, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale.

U jeedadda safarka masuuliyiintaasi ayaa la xidhiidhay ku baraarujinta bulshadda ee qaadashadda kaadhka codbixinta, iyo soo qiimaynta hab-sami u socodka is diiwaan-gelinta.

Waxaanay weftigani soo kormeereen qaar ka mid ah goobaha ay diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee gobolka Gabiley. Weftigani ayaa markii ay gaadheen deegaanka Agabar oo ku yaalla woqooyiga magaaladda Gabiley waxay la hadleen bulshadda deegaankaasi.

Masuuliyiinta oo la hadlay bulshadda deegaanka Agabar, ayaa guud ahaanba bulshadda gobolka Gabiley gaar ahaana deegaanka Agabar waxay ku booriyeen in ay is diiwaan geliyaan, isla markaana ay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo la hadlay bulshadda deegaanka Agabar ayaa ku baraarujiyay in ay u soobaxaan qaadashadda kaadhka codbixinta, isla markaana ay muujiyaan tiradoodda bulsho ahaan.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda C/weli Sheekh Suufi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaanba dadweynaha Gabiley looga baahan yahay in ay is-diiwaan-geliyaan, maadaama oo goboladda iyo degmooyinka dalku ay ku tartamayaan tiro badnaanta codadka ee xiliga doorashooyinka.

 

 

 

Leave a Reply