Taliyaha Ciidanka Badda Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Xeebta ugu Dheer Xeebaha Somaliland

0
240

Ceergaabo (Dawan) Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaala madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo uu safar shaqo iyo kormeer indho indhayn ah u tagay, taliyaha ayaa safarkan waxaa ku wehelinayay saraakiil ka mid ah ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Waftiga uu hogaaminayo Taliyaha ilaalada xeebaha Somaliland ayaa la filayaa inay soo kormeeraan xeebaha goolka Sanaag iyo ciidamada ku sugan halkaasi, taliyaha ayaa waxa uu sheegay in uu kulamo la qaadan doono dhamaan ciidamada ilaalada xeebaha ee ku sugan gobolka Sanaag kuna booqan doono fadhiisimahooda.

Waa markii u horeysay ee uu Taliyaha ilaalada xeebaha Somaliland tan iyo intii uu magacaabay Madaxwayanaha qaranku safar ugu boxo gobolka Sanaag.

Waxaanu yidhi “ waa markii ugu horeysay ee aan imaado Gobolka Sanaag intii uu ii magacaabay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Taliyaha ilaalada Xeebaha Soamliland.

Halkan Gobolka Sanaag oo ay ku taalo xeebaha Somaliland kuwa ugu dheer, shaqadaydiina waan u imi taliyenimo, kormeer, dal, dad iyo gobol intaba wan u imi’’

 

 

Leave a Reply