Wasiir Waxbarashada Somaliland oo Fariin Adag Dawkadda Soomaaliya

0
165

Hargaysa(Dawan) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somaliya kaasi oo sheegay in aan dalka Somaliland laga soo saari karin wax shidaal ah.

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland ayaa waxa uu sheegay in uu jiro dagaal hoose oo ay dawaladda Soomaaliya ku hayso Somaliland, isla markaasina aanay u ogolayn in dalka laga soosaaro khayraadka dihin ee ILLAAHAY ku manaystay.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in masuuliyiinta Soomaaliya ay mar walba masraxyada ka sheegaan in la wadaago diin iyo dhaqan, balse ay hagardaamo iyo waxyeelo hoosta ka wadaan iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen horumarka iyo wax-soo-saarka Somaliland.

Waxa uu yidhi “Waxa cajiiba ah Wasiirka Macdanta ee Dawalada Muqdisho waxa uu yidhi Batroolkaa lama soo saari karo,waa sharci darro, tolow ma isagaa sharciyeeyay, haddana berri ayaa waxa uu inagu odhanayaa Soomaalidu isku af-waaye, isku mid waaye,isku dal waaye, isku diin waaye ma kala maarmi karto Baatroolkana ha u soo saarina.

Dekeda Berber, Madaarka Berber iyo laamida Boorame iyo Laascaanood isku xidha yaan loo dhisin Somaliland, DP World yaanay maalgalinin haddana waxa uu odhanayaa Soomaalidu isku mid weeye, waxa uu odhanayaa Dekadda Berbera xoolo lagama dhoofin karo, Fiisaha Xajka yaan la siinin, ma ninka sidaasi leh ayaa Somaalinimo iyo islaamnimo wax kugu taraya.

Walahi waxaan aad uga cadhooday markaan maqlay ninkaasi oo leh Ceelka shidaalka Baha Dhammal lama soo saarayo, muxuu ii ogolaanayaa ninka intaasi iidiidaya ee haddana hadhaw i leh Soomaalidu waa hal’’

 

 

 

Leave a Reply