Isu-duwaha Beeraha Sallaxley oo kormeeray beeraha Degmadaasi

0
313

Sallaxley (Dawan) Isu-duwamaha wasarradda horumarinta Beeraha Somaliland ee Degmada Sallaxley Aadan Cabdiraxmaan Diiriye, ayaa soo kormeeray mashaariicda dhanka beeraha ee laga hirgaliyey degmadaasi Sallexlay.

Isu-duwaha wasaradda Beeraha kormeerkiisaasi waxaa ku wahelinaayey guddoomiyaha iskaashatada Beeraleyda degmadaasi Sallexlay Cumar Warsame , waxaaney isu’duwaha xog warameen caqabadaha hortaagan wax-soo-saarka beeraleyda Degmadaasi sallexlay, waxaanu muwaadin Deeq Axmed Cali ku boggaadiyey bustaankaasi khudrada kala duwan uu ka beeray, iyadoo xusay in ganacsadahaasi khudaarta uu soo sarao loo iibgeeyo magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale, isla markaasina dhulkeenu ku haboon yahay wax beerashada iyo tacabka wax soo saarka beeraha oo ay bulshadeenu baahi balaadhan u qabto.

Dhinaca kalena, isu’duwaha wasaradda horumarinta Beeraha Somaliland ee Degmadaasi Sallexay waxa uu u balan qaaday muwaadin Deeq Axmed Cali iyo dadka kale eek u hawlan tacabka wax-soo-saarka xagga beeraha in uu wax kala qaban doono xagga biyaha iyo agabyada ka caawinaya wax beerista, waxaa uu intaas ku daray sida ay mihiimka u tahay in muwaadiniintu ay ku dhiiradaan sidii ay dhulka wax ugala soo bixilahaayeen, si looga maarmo cuntooyinka Dibada laga keeno.

 

Leave a Reply