Tuulada Dadka Madow Ee Maraykanka!

0
260

Dalka Maraykanka waxa ku taalla tuullo dhaqameed African ah oo lagu magacaabo boqortooyada Oyotunji ee koonfurta Carolina. Tuuladan ayaa leh boqor xukuma oo degan guri aan lahayn laydh iyo biyo midkoodna. Dadka degan tuuladan looma ogola inay ku hadlaan luqadda Ingriiisida maalinta gelinkeeda hore.

Dadka ku dhaqan tuuladan waxa ay cunaan digaaga oo ay weliba dhiigiisana cabaan. Waxaana ay aaminsan yihiin inay ku nool yihiin magaalo ka go’an dalka Maraykanka. Wadooyinka laga galo ee dalxiisayaasha imanaya soo maraan waxa ku qoran tilmaamo iyo digniino sida aad ula dhaqmayso bulshada deggan tuuladan iyo boqorka oo xidha dhar dhaqameedkooda caadiga.

Bulshada deegaankani malaha aqoon iyo ilbaxnimada casriga oo waa dad badow ah. Wakhtigan waxa Tuuladana waxa degan dad gaadhaya 150 qof dadkii hore u degenaa badankoodu waa ay iska haajireen sanadkii 1980  iyagoo degay magaalooyinka kale ee Maraykanka.

Waxaana tuuladani ay noqotay goob lacagaha lagaga urursado dadka dalxiisayaasha ah.  Waxa kale dariiqyada laga galo lagu taxay tilmaamo iyo haldhugyo xayaysiiyo ah.

 

 

Leave a Reply