Aqoonyahan ka hadlay Is-Bedelka ku yimid Siyaasadii Maraykanka ee Geeska Afrika

0
285

Hargeysa (Dawan) Aqoonyahan Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf ayaa ka hadlay isbadal ku yimid Siyaasadii Dawlada Maraykanka ee Mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhka Iskaashiga Somaliland uu la yeeshay.

Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf ayaa waxa uu sheegay in cadawga Somaliland ka muraaro dilaaceen Xidhiidhka iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka,waxaana uu tilmaamay in isbadal ku yimid Mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiraxmaan Shunuuf oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Wax weyn ayaa iska badalay Mandaqada Geeska Afrika Sannadkan cusub Maalintii Kongaraska Maraykanka saxeexay in bajadka Miisaaniyadda Maraykanka lagu daray Somaliland iyo Taiwan,markaa waxa aynu ku xidhanay Super baa werkii aduunka oo inaga caawinaya Waxbarashada Difaaca amniga Budhcadbadeedka iyo waxyaabo badan.waxa la doonayaa in badda gacanka Gacmeed ay noqoto waddo furan oo aanay cidina la hayn, laakiin ay ilaaliyaan Dawladaha Maraykanka ka mid yahay si uu usoo maro Baatroolka aduunka,waxaana Maraykanka gacanka Cadmeed ku qabsan karaa Somaliland oo uu heshiis la galay,Maalintii ay maqleen cadawga in Somaliland dhaqaaqday ayaa waxa la soo diray Ilhaan Cumar oo laga xayuubiyay guddi hoosaadkii arimaha dibada Aqalka Kongaraska Maraykanka ayaa waxa ay u timid Puntland in Soomaaliweyn u dhamaatay oo la hayd ka kacaay,”.

Sidoo kale ayaa waxa uu tilmaamay in aan loo baahnan in dalka laga faafiyo dacaayado beena.Waxaana uu yidhi”Looma baahna dacaayad iyo ku jiqsii ee ay faafiyaan Caruurta aan baran Journalist ee lagu shaqaysto ee wadankooda neceb,ee warka xun ee beenta ka faafiya.waji cusub ayaa inoo furmay waxa bilaabmaya wakhtigii dadka shaqaysan la haayeen,”.

 

 

 

 

Leave a Reply