Awoodaha Toddobada Ah Ee Caqliga Xeesha Dheer

0
457

 

Caqligaaga xeesha dheeri waa meesha ay ka soo burqadaan dhammaan Ilhaamada, male-awaalidda, hore ka fahmidda, ra’yi cabiridda, fikradaha iyo dareenada saadaalintu. Caqligaaga xeesha dheeri waa hoyga tamarta ee marka si caadi ah loo barmajiyo ama loo hago, ku siin kara wax kastoo dhab ahaantii aad u baahan tahay. Sidaasi darteed, caqligaaga xeesha dheeri waxuu leeyahay toddoba awoodood oo muhiim ah. Waxa aad ku garan doontaa wakhtiyadii ku dhaafay, markaas oo caqligaaga xeesha dheeri uu door ku lahaa wakhtiyadii la soo dhaafay gaar ahaan marka awoodahan soo socda aad la barbardhigto waayo-aragnimooyinkaagii hore.

Sifada koowaad, caqligaaga xeesha dheeri waa mid awood u leh in uu bixiyo dhiirigelin hadaf ku waajahan. Gebi ahaanba marka aad tahay mid si dhab ah u arki kara waxa aad dhab u doonayso, waxa ku saaqa qulqul tamareed oo aan kala go’ lahayn iyo dhiirigelin kuu riixda dhanka doonistaadu jirto.

Caqligaaga xeesha dheeri inta badan waa il tamareed oo firfircoon. Marka aad u kulushahay in aad shay hanato, waxa aad dabarka ka furtaa ishan tamareed, sidii oo aad xadhig fiishta galisay. Waxa aad u muuqan mid aan hurdo hawaysaneyn marka aad tamartan dabarka ka furto. Waxaad awoodi, in aad si adag u shaqayso ilaa wakhti dheer adiga oo aan daal dareemayn. Waxaad dareemi doontaa in aad tahay mid sidii hore ka farxad badan iyo in aad si dhab ah noloshaada majaraha ugu hayso.

Mar kastoo ahdaaftaada aad dib u qorto si aad u gaadho; kadibna aad qaado tallaabooyin cayiman, waa marka aad ugu firfircoon tahay; uguna tamar badan tahay. Marka aad humaagiso ama hilaadiso amaba aad haweysato sidii oo ahdaaftaadii aad gaadhay, kadibna aad abuurato dareen farxadeed oo guul wehelin lahaa, waxa aad dareentaa tognaan iyo xamaasad farobadan oo aad u sarraysa. Taasina waxa ay kaaga dhigan tahay in aad u shaqaysay si hagar la’aan ah.

Sifada labaad, caqligaaga xeesha dheer waxa kiciya amarada waadixa ah, waxana ay ugu yimaadaan qaabka odhaahyo togan oo dhab loo rumeysan yahay. Mar kasta oo hadafkaaga aad ugu celceliso qaabka odhaah togan oo si aad ah loo rumeysan yahay, taas oo si joogto ah uga imaneysa caqligaaga soo jeeda ama waaciga ah kuna socota caqligaaga aan soo jeedin ama aan waaciga ahayn; waxana fariintaas labada caqli u kala gooshaysaa ay soo kicisaa caqliga xeesha dheer (Superconscious mind). Mar kasta oo ahdaaftaada aad caqliga ka sawirato, dhab ahaan sidii oo ay yihiin kuwo hirgalay, waxa aad carineysaa caqligaaga xeesha dheer, si uu ahdaaftaas ugu soo dabaalo, waaqica dhabta ah.

Waxa jira afar sababood oo hoos yimaadda sawirashada caqliga, kuwaas oo carin kara caqliga xeesha dheer oo kala ah: waadiximada hadafka, wakhtiga caqliga lagu hayn karo, awoodda caadifada, iyo ku celcelinta ka fekerka hadafka. Mid kasta oo afartaas arrimood kamid ahi waxa uu kordhiyaa awoodda sawirashada; waana kuwo marka la isku daro si dhakhso badan ahdaafta ugu soo celiya waaqica dhabta ah.

Sababta koowaad ee sawirashada caqliga oo waadixnimada ahi, waxa ay la xidhiidhaa sida ugu dharaarsan ee aad hadafkaaga uga dhex arki karayso isha caqliga. Waxa jira xidhiidh toos ah oo u dhexeeya sida ugu dharaarsan ee aad u sawiran karto hadafkaaga iyo sida ugu dhakhsaha badan ee uu uga soo muuqanayo dunida kugu hareeraysan.

Marka sawirashda aad bilawdo, hadafkaagu wuxuu ahaan doonaa mid aan hagaag loo arki karin. Laakiin marka aad ka libiqsan weydo, waxa uu ahaan doonaa mid waadix ah.

Sababta labaad ee sawirashada caqligu waa mudada caqliga hadaf lagu hayn karayo. Arrintu waxa ay la xidhiidhaa hadba inta—saacadood, maalmood, bilood, ama sanadood—hadafka aad sawiratay uu caqligaaga ka dhex guuxi karo. Haddii hadafka caqligaagu sawirtay uu yahay mid aad mudo dheer maanka ku hayn karayso, hadafkaasi wuxuu noqon doonaa mid si qoto dheer ugu talaalma caqligaaga aan soo jeedin, kaasi oo caqligaaga xeesha dheeri uu si dhakhso badan u aqbali doono.

Sababta saddexaad waa awoodda caadifada oo la xidhiidha xadiga xamaasadeed ee aad ku ladhi karayso humaaga caqligaagu sawirtay. Mar kastoo aad tahay mid si xamaasad leh u raba hadafka uu sawiranayo, waxa aad noqotaa mid si dhakhso badan u cariya caqligiisa xeesha dheer, si uu kuugu adeego.

Sababta afraad ee sawirashadu waa ku celcelinta oo la xidhiidha sida had iyo goor aad uga fekerto; una sawirato hadafkaaga ee waaqica waafaqsan. Marka aad si dhab ah wax u dooneyso, adiga ayaa waxaas heli doona marka aad mar walba ka fekerto. Marka aad mar walba hadafkaaga uga fekerto sidii oo mar horeba la xaqiijiyey, waa marka caqligaaga xeesha dheeri noqonayo mid si fiican kuugu adeegaya; waana marka wax faro badan oo fiican aad noloshaada u soo jiidi karayso.

Markastoo aad hadafkaaga u sawirato si waadix ah, wakhti ku filanna aad caqliga ku hayn karayso, xamaasadda aad u hayso xaqiijintiisuna tahay mid sarreysa; ka fekeridiisuna tahay mid aanad ka daalin, hadafkaasi waxa uu si toos ah u degaa; uguna talaalmaa caqligaaga aan soo jeedin (your subconscious mind) oo ah hagaha xakameeya fikiradaada iyo dareenadaadaba. Dhakhso waxa aad u bilawdaa socod, hadal, feker iyo ficil u muuqda inta kugu xeeran oo la jaanqaada humaaga caqligu sawirtay ee aad gudahaaga ku haysato. Dunida kugu xeerani waxa ay noqotaa muraayad laga dheehan karayo muuqaalka ka jira dunidaada gudaha.

Sifada saddexaaad, caqligaaga xeesha dheeri iskii wuxuu u xalin doonaa dhibaato kasta; weliba qaab hadafkaaga waafaqsan, marka hadafkaagu yahay mid aad loo arki karayo. Intaa waxa sii dheer, caqligaaga xeesha dheeri waxa uu kugu deeqi doonaa khibrado cilmi oo kuu ah lagama maarmaan si aad u gaadho hadaf kasta oo aad noloshaada u dejisay. Sida badanaa dhacda, mar kasta oo aad hadaf cusub dejisato, gebi ahaanba noloshaadu waxay u hayaantaa jiho markaagii hore aanad haabkaba ku hayn. Dad faro badan ayaa ahdaaf dejistay si ay dakhligooda sarre ugu qaadaan sanadaha soo socda; intaa kadibna waxa ay ku war heleen iyada oo laga eryey shaqooyinkii ay hayeen. Intaa kadib waxay heleen shaqooyin cusub ama waxa ay bilaabeen ganacsiyo. Shaqooyinkii cusbaa ee ay heleen waxa ay ka faro qabsadeen lacag faro badan oo aanay weligoodna ka kasban kareen shaqooyinkii ay hore u hayeen. Imika marka ay dib uga fekeraan shaqooyinkoodii hore, waxa ay xaqiiqsadaan in aanay weligoodna gaadheen ahdaaftooda maaliyadeed haddii ay ku sii negaan lahaayeen meelahoodii hore.

Rag iyo dumar dadka wax qabsaday ee dalka Maraykanka markii arrintaas wax laga weydiiyey, waxa ay qirteen in guushooda ugu weyn ee noloshu ay timid, markii si lama filaan ah ay u lumiyeen shaqadooda ama burbur lama filaan ahi uu ku yimid ganacsiyadooda. Taasina waxa ay ku qasabtay in ay sameeyaan go’aano cusub; ayna tijaabiyaan waxyaabo kala duwan. Waxa ay sameeyeen isbedallo cayiman oo ku hogaamiyey jeexashada jidad cusub oo nololeed. Intii ay sii hayeen jidadkaas cusub waxa ay hanteen ahdaaftii ay noloshooda u dejiyeen.

Dadka intooda badani guulahooda waaweyn waxa ay ku gaadhaan qaabab aanay haabka hore ugu sii hayn, iyaga oo ah kuwo siyaabo kala duwan wax u qabta, oo ka shaqeeya adeegyo ama badeecado kala duwan ama ka shaqeeya wershad ka duwan tii ay hore uga shaqeyn jireen. Laakiin kolkii ay noqdeen kuwo gebi ahaanba si toos ah u arkaya hadafkooda kama dambaysta ah ee madax-banaani maaliyadeed, caqligooda xeesha dheeri waxa uu ku hoggaamiyey in ay khibradba khibrad ka sii dhaxlaan, taas oo siisay iyaga, xalka ku haboon dhibaato kasta oo ka hor timaadda intii ay socdaalkooda sii wadeen.

Sifada afraad, caqligaaga xeesha dheeri waxa uu ku siin doonaa jawaabta aad dhab ugu baahan tahay ee munaasibka ku ah dhibaatada aad la tacaalayso wakhti xaadirka. Islamarka jawaabtani ay kuu timaado waa in aad ula dhaqanto sidii oo ay tahay mid sibiq kugu dhaafi karta. Waa in aad qaado tallaabo dhakhso badan, xitaa haddii ay jawaabtu tahay mid kuu timid habeenka badhtankiisa. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa in aad si kedis ah ula kulanto ilhaan ama dareen ah in aad wacdo taleefanka qof aydaan mudo dheer wada hadlin. Marka aad wacdo qofkaas, inta uu wadahadalku idiin socdo waxa kuu cadaan doonta in qofkaasi uu hayo qayb xog ah oo bilaa qiime ah, taasi oo dhab ahaantii ah waxa amintaas aad u baahan tahay si aad tallaabada labaad hore ugu qaado.

Haddii qofkaas si mug leh oo waadix ah aad u sii dhugan karayso, xaalado faro badan, waxa dhici karaysa in uu ku soo waco meel kasta oo uu ku sugan yahay. Intee oo jeer ayey dhacday in aad qof ka fekertay oo laba daqiiqadood kadibba aad aragtay qofkii oo ku soo wacay oo khadka ku jira? Kaasi waa hal tusaale oo kamida shaqada uu qabto caqligaaga xeesha dheeri.

Sifada shanaad, caqligaaga xeesha dheeri waxa uu sida ugu fiican u shaqayn doonaa, marka la helo laba shardi. Waa in aad labadan shardi ku ladho gaadhista hadaf kasta ama xalinta dhibaato kasta. Shardiga koowaad waxa uu dhammaystirmaa marka aad si xamaasad leh u soo ururiso dareenkaaga oo dhan si aad ugu aadiso xalinta dhibaato cayiman ama gaadhista hadaf cayiman. Dhanka kale, shardiga labaad waxa uu dhammaystirmaa marka gebi ahaanba maskaxdaadu ay tahay mid meel kale ku mashquulsan.

Sifada lixaad ee caqliga xeesha dheeri, waa inuu yahay mid awood u leh in uu goor horeba maskaxdaada barmajiyo. Taasi in ay dhacdona waxa loo sii marayaa caqligaaga aan soo jeedin. Sida caadiga ah waxa aad bixin karaysaa amar ka imanaya caqligaaga soo jeeda oo sii dhex maraya caqligaaga aan soo jeedin; kuna waajahan caqligaaga xeesha dheer; waxana caqligaaga xeesha dheeri uu u dhaqmi doonaa sida amarkaas waafaqsan, weliba wakhtiga ugu munaasibsan iyo habka ugu munaasibsan ee adiga kula quman.

Tusaale ahaan, maskaxdaada waxa aad ku barmajayn kartaa in aad toosto wakhtiga aad doonto, duruuf kasta oo jirta iyo meel kasta oo aad joogtid. Haddii aad dooneyso in aad toosto 6:30 aroornimo, waxa aad ku barmajayn kartaa maskaxdaada; kadibna waad iska seexanaysaa, adoon u baahneyn wax saacad ah iyo cid ku kicisa toona. Xitaa haddii qolku yahay mugdi oo aan ilays jirin, waad toosi doontaa.

Xusuusnow awooddan barmajaynta in aad u adeegsato fursad kasta. Habeen kasta inta aanad sariirta tegin ka hor, ku barmaji ama ku duub caqligaaga xeesha dheer dhibaato la xalinayo ama hadaf la gaadhayo; kadibna xalka weydii. Intaa kadib, kaliya iska ilaw arrintaas aad gudbisay ilaa inta uu xalku soo muuqanayo.

Sifada ugu dambaysa, laga yaabaa in shaqada ugu muhiimsan ee caqligaaga xeesha dheeri ay tahay, in dhammaan ereyyadaada, ficiladaada iyo saamayntoodaba ay ka dhigto kuwo la jaanqaadi karaya guud ahaan, fahanka aad naftaada ka haysato iyo ahdaaftaada waaweyn ee kuu dejisan.

Caqligaaga xeesha dheeri waxa uu kugu hagi doonaa waxa aad odhan doonto iyo waxa aad samayn doonto wakhtiga kuu munaasibka ah. Caqligaaga xeesha dheeri sidoo kale waxa uu kaa joojin doonaa in aad tidhaahdo ama samayso waxyaabo u muuqan doona in ay yihiin kuwo aan habooneyn amaba qalad ah.

Caqligaaga xeesha dheeri waxa uu si fiican u shaqeeyaa marka aad ku sugan tahay xaalad degan, aad dareemayso kalsooni; wax wanaagsanna weliba aad filaneyso. Mar kasta oo gebi ahaanba aad tahay mid hiyi-degsan oo si buuxda ugu kalsoon in wax waliba ay yihiin kuwo u adeegaya isaga masaalixdiisa, waa marka caqligaaga xeesha dheeri yahay mid u hawlgalsan; una darban in uu ku siiyo waxyaabaha aad danayneyso in ay noloshaada ku soo biiraan.

Marka aad dabarka ka furto awoodda caqligaaga xeesha dheer, muddo laba sanno ah gudaheed, waxa aad ku hanan doontaa wax faro badan oo dad faro badani aanay nasiib u helin in ay hantaan intay jireenba. Waxa aad daboolka ka qaadi doontaa awoodo layaab leh oo aanad hore u ogeyn in aad haysatay.

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply