“Duur joogta duurka ku jirtaa dadka reer Somaliland oo dhan ayay ka wada dhaxaysaa…” agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka

0
337

Ilaalinta duur joogta iyo deegaanka ayaa loo arkaa mid muhiimad weyn u leh bad-baadinta Dhirta iyo xayawaanka kala duwan ee dalkeenna ku nool.

Waxaana jirta in wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ay wax ka qabashadda arrintaasi dedaal badan u gashay, isla markaana ay wacyigelino hawlahaa ku saabsan dalka ka fulisay.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa 8-deedii bishan January barnaamijyo wacyigelineed ka fulisay goboladda Togdheer, Saaxil, iyo Daad-madheedh gaar ahaana magaaladda Oodweyne.

Wacigelintaasi ayaana la xidhiidhay sidii ay bulshadu wasaaradda Deegaanka ugala shaqayn lahaayeen ilaalinta deegaanka iyo duur joogta dalkeenna ku nool.

Odayaasha, iyo waxgaradka deegaamadii wacyigelinta laga fuliyay ayaa muujiyay sida ay bulsho ahaan uga go’an tahay ilaalinta duur joogta, iyo deegaanka ba, isla markaana uu yihiin dan guud oo la wada leeyahay.

Wacyigelintaasi oo ay wasaaradu maalmahan ba ka waday deegaamadda ka tirsan goboladaasi waxaa hogaaminayay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo wasaaradaasi ka tirsan.

Agaasimaha oo bulshadda fariin u diray ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan muwaadiniinta ku boorinayaan in duur joogta duurkeedda lagu ilaaliyo, isla markaana ay duurkeedda qiimo ku leedahay.

C/naasir Xuseen Siciid, ayaa tilmaamay in aan la ogolayn cid duur joogta dhibaato u gaysata, isla markaana ay mam-nuuc tahay in duur joogta la ugaadhsado ama la haysto, ama la dillo, in la dabto, ama  laga ganacsado.

Sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duur joogta Somaliland oo ay baarlamaanku ansixiyeen sanadkii 2015-kii, sida uu sheegay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland.

“Fariinta ay wasaaradu diraysaa waxay tahay, muwaadin duur joogta ku ilaali duur joogta duurka ay ku nooshahay. Halkaasoo ay qiimo ku leedahay. Lama ogola cid disha, la ma ogolla cid qaadata, la ama ogolla cid dhibaato u gaysata.

Waana in aad ogaataan, waxaa jira xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duur joogta, oo ay baarlamaanku ansixiyeen sanadkii 2015-kii. Kaasoo sheegaya in ay sharciyan mam-nuuc tahay in la ugaadhsado, ama la haysto, ama la dillo, in la dabto, ama in laga ganacsado.

Sidoo kale waxa uu xeerkaasi sheegayaa in ay mam-nuuc tahay in deegaanka la dhibaateeyo, oo Dhuxusha la shido” ayuu yidhi agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid.

Waxa kaloo uu sheegay agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL C/naasir Xuseen Siciid, in loo baahan yahay in duur joogta deegaankeedda duurka ah lagu ilaaliyo.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay duur joogtu tahay hanti ay wada leeyihiin bulshadda reer Somaliland. Waxaanu yidhi, “Duur joogta, duurka inoogu jirtaa, dadka reer Somaliland ayay ka wada dhaxaysaa”.

Wacyigelintaasi meelihii ay masuuliyiinta wasaaradda Deegaanku ka fuliyeen waxaa ka mid ahayd tuuladda Goroyo-xun, oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh, halkaasoo goob fagaare ahayd ay xubnahani kala hadleen qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Xubno ka mid ahaa odayaasha Goroyo-xun, oo halkaas ka hadlay waxay balan qaadeen in ay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda kala shaqaynayaan ilaalinta duur joogta iyo dhirtaba.

Waxaanay waxgaradku sheegeen in ay tahay markii u horaysay ee tuuladoodda ay wasaaradda Deegaanku wacyigelin soo gaadhsiiso, isla markaana ay soo dhawaynayaan in wasaaradda Deegaanku ay dalbato in ay kala shaqeeyaan ilaalinta duur joogta iyo dhirtaba.

Mid ka mid ahaa odayaasha deegaanka oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ka Sakaarada laynaya iyo ka Garanuugta laynayaba, inta ba waanu idin kala shaqaynaynaa. Dhirta arrimaheedu wacyigelinta waagii baryaba wuu taagan yahay, oo wuu socdaa. Laakiin, wacyigelinta ilaalinta duur joogta maanta ka hor maanaan arag.

Anaga (bulshadda deegaanka) ayaa se ka hadal na, oo nidhaah na waa idiin dan eh daaya, faa’iido ayay leedahaye daaya, anaga ayaa wacyigelintaasi jeedina.  Maanta hadaad wax na ga la qabanaysaan, waan soo dhawaynaynaa. Ka duur joogta laynaya, ee daba gelaya, ee la sheegayo, kaasaanu soo qabanaynaa”.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay oday ka mid ah bulshadda ku nool tuuladda Goroyo-xun, waxaanu sheegay in dhalinyaradu ay ugaadhsi ku hayaan ugaadha, gaar ahaana Sakaaradda, Cawsha, Deerrada, iyo noocyadda kaleba.

“Duur joogtu waa dan guud oo aynu wada leenahay. Tii aynu wada lahayn haddii aynu dayacno, oo aynu madhino, ma fiicna. Sakaaradii waynu dhamaynay, Toosh, iyo Xabad ama Rasaas, iyo Dabin, ayaana lagu dhameeyay. Waxan la inoo sheegayaa waa wax aynu wada leenahay, ee nin wallow ba Maskaxdaadda gasho. Waxaanu idin leenahay sidaa ay Innamadu sheegayaan, duur joogta hala wada ilaaliyo”ayuu yidhi odaygaasi oo ka mid ah bulshadda tuuladda Goroyo-xun.

Waxaa isna halkaa ka hadlay oday ka mid ahaa waxgaradkii halkaa joogay, waxaanu yidhi “Wacyigelinta ay u socdaan masuuliyiintani waxa weeye, dhirtaa ay xoolaheenu ku nool yihiin, iyo xayawaankaa duurka ku nool  ee dibadda loo dhoofinayo, ee ay ka mid yihiin Harimacadka, Shabeelka, Guduudanaha/Jiifaaga, waxyaabahaasi oo la inaga Siidh goynayo, ee wadamadda dibadda loo dhoofinayo, iyo dhirta Qoyan ee la goynayo, ee Dhuxusha laga shidayo.

Waxaa la inaga doonayaa in aynu Ragg iyo Dumar, Caruur, iyo Cirroole ba, aan u soo jeedsano, oo kii goynaya, kii wax shidaya, iyo kii wax gubaya ba, in aynu gacan birr ah isaga qabano”.

Dhinaca kale odayaasha qaarkood waxay sheegeen in degmadoodda ay waayadii hore ku noolaan jireen noocyo kala duwan oo ugaadh ah, balse ay waayadan danbe muuqato in duur joogtii noocyo ka mid ahaa ay ka dhamaadeen dhulkaasi.

 

Leave a Reply