Sanadkan Cusub Waa In Aad Ka Fogaato Laba Dabeecadood Oo Ahdaafta Burburiya

0
551

Sanadkan cusub, waxa aad haysataa tamar aad u badan oo aad kaga sii gudubto dhammaan mustawayaashii iyo heerarkii aad hore u soo xaqiijisay. Sidoo kale sanadkan cusub ee curtay gudahaaga waxa ku diyaarsan mawhibooyinka aad baahida wayn u qabto si aad u xaqiijiso wax ka badan intii aad hore u xaqiijisay.  Tani oo ka dhigan in aad baran karto xirfado kasta oo aad u baahan tahay, si aad u qabato shaqo kasta oo aad rabto in aad qabato, si aad u gaadho hadaf kasta oo aad naftaada u dejisay.

Bulshooyinka dunida waxa dhexdooda ka socda tartan xooggan, qof  kasta oo ka mid ah bulshadaas, sanado badan ayey ku qaadan kartaa in uu gaadho meesha ugu sarreysa ee uu higsanaayo, si uu u hanto abaalmarinaha ka dhalan kara shaqo-wanaagiisa.

Waxaynu ku noolnahay duni aan qalalaase xukumin ee uu xeer xukumo. Wax waliba sabab ayuu leeyahay, guulkasta oo weyn oo laga gaadho qayb kasta oo nolosha kamid ahi gebi ahaanba waa natiijo ka dhalatay tacab hawleed oo heerar kala duwan soo maray.

Waxa jira laba dabeecadood oo si weyn ugu sii fidaya dalalka dunida ee maanta. Ta koowaad waa dabeecadda loo yaqaano “quud aan jirin qoryo u guro” iyo ta labaad oo loo yaqaano “dhakhso u taajir” (waa hadda rin oo hadda dhal). Mid kasta oo labadan kamid ahi waxa burburin karaa ahdaaftaada; waana mid curyaamin kara  guushaada, laakiin haddii ay kugu kulmaan, waa arrin khatarteeda leh.

Dabeecadda “quud aan jirin qoryo u guro” (something-for-nothing) inta badan waxa yeesha dadka doonaya in ay goostaan midhihii ay beerteen midho ka badan. Waxay u maleeyaan in marka ay hal doolar bixiyaan ay helayaan laba doolar. Iyagu waa kuwo si joogto ah fursado u raadiya si ay u helaan waxa ay doonayaan iyaga oo aan hurin qiimaha buuxa ee shay mudan yahay in lagu bixiyo. Waxa ay doonayaan in ay isku qaadaan albaabka wareega ee nolosha oo balaqan, laakiin ma rabaan iyagu inay botanka taabtaan si uu albaabku uga furmo.

Dadka yeesha Dabeecadda quud aan jirin qoryo u guro, waa kuwo isku dayaya in ay ku tuntaan xeerarka aasaasiga ah ee nolosha, sida xeerka beerista iyo goosashada, xeerka ficilka iyo falcelinta (action & reaction), iyo xeerka sababta iyo natiijada. Waxay sidoo kale isku dayaan in ay ku tuntaan mid ka mida qawaaniinta guusha oo ah: abidkaa ha rajeyn in aad guuleysato adiga oo isku dayaya in aad ku xadgudubto xeerarka caalamiga ah ee nolosha.

Ku tumashada xeerarka nolosha ee caalamiga ahi waxay la mid tahay adiga oo jebinaya xeerkii cuf-isjiidadka (Law of Gravity). Waxa laga yaabaa in aad maqashay qof iska soo tuuray guri dheer dabaqiisa sodonaad si uu naftiisa u silic dilo. Kolka uu soo shalwado ee uu marayo dabaqa 15aad, ayaa qof daaqada qoorta kala soo baxay uu ku yidhaahdaa isaga oo qaylinaya, “Waaar waa sideeee xaaaalku?” shalwadkii (qofkii) ayaa isaga oo xagga dhulka u sii hoobanaya qaylo dib u soo gana, “Ilaa hada, xaaladdu waa iska caaaaadi!” (calaashaan weli dirida ayaanu si fiican u qaniinin; waa uun tusaale iimaan la’aan ku saabsan).

Sidaas waxa ka dhigan, qof kasta oo quud aan jirin qoryo u guranaya ama raadinaya wax ka badan waxa uu xaqa u leeyahay. Ka feejignow Dabeecaddaas oo kale in aad yeelato.

Dhanka kale, Dabeecadda labaad waa dhakhso u taajiridda. Dabeecaddan waxa yeesha dadka raadinaya dariiqooyin gaagaaban ama sahal ah si ay ahdaaftooda u gaadhaan durbadiiba. Waxa ay raadiyaan siyaabaha ugu fudud ee ay ku helayaan xirfadaha ugu muhiimsan kuwaas oo kasbashadoodu ay qaadato bilo iyo sanado farobadan oo tacab ah si loo weeleeyo. Waxa ay baadigoobaan qaabab degdeg ugu sahlaya in ay xaliyaan dhibaatooyin la soo deris ahaa billo iyo sannado aad u badan. Aakhirka dadkani waxa ay noqdaan kuwo sharaabsan aragtida dhakhso u taajirka. Sidaasi darteed, waa in sanadkan cusub aynu ka fogaanno labada dabeecadood ee kala ah: Quud aan jirin qoryo u gurashada iyo Dhakhso u taajirka; waana in aynaan ka tegin asbaabta saxda ah ee lagu gaadhi karo natiijo kasta oo sax ah.

Sida Thomas Edison uu hore u qoray, “Ma jiro cudurdaar qofka caadiga ahi uu ku gaabsan doono si uu uga muquurto in maskaxdiisu ay samayso tacab maskaxeed oo aad u badan”. Waa in aad hawl geliso horumarin joogto ah oo aan dhamaad lahayn.

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply