Dhalinyarada Laascaanood oo ka Digay in la Wiiqo Nabadda iyo Horumarka Magaaladooda

0
367

Laascaanood (Dawan) Xubno ka mida Dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sool oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada laascaanoodka, ayaa ugu baaqay shacbiga inay la joojiyo dibad-baxa iyo rabshadaha, lana ilaaliyo nabadgelyada iyo kala dambeynta oo aan dhibaato iyo khasaare kale loo geysan magaalada.

Dhalinyaradan, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin waxyeelladii ka dhacday magaalada ee dhimashada iyo dhaawacaba lahayd, sidoo kalena ay aaminsan yihiin in laga baaqsan lahaa khasaarahaasi haddii caqli iyo talo lagu socon lahaa, haatanna loo baahan yahay in aan dib loogu laaban hurinta mushkilad kale oo sababta burbur iyo dhibaaato kale.

Aqoonyahanka ayaa sidoo kale bulshada u soo jeediyey in aan la xagal-daacin horumarka Magaalada iyo guud ahaan gobolka Sool, islamarkaana wixii tabasho ah ee ay qabto bulshada gobolku si nabadgelyo ah ku bandhigaan. “Magaalada Laascaanood waa magaaladeenii, innagaa leh cid innagu haysataa ma jirto, ayeynaan burburin magaaladeena oo aynaan dhibaato kale u horseedin” ayey ku sheegeen shir-jaraa’id xubnaha aqoonyahanka ah oo goob fagaare ah ka hadlay.

Waxaanay intaas ku dareen “illaahay ha u naxariisto intii innaga dhimatay, kuwa dhaawacmayna ha u boogo dhayo. Waxaan leenahay khasaare intaa ka badan ma qaadi karto magaaladeenu, yeynaan nabadgelyada iyo horumarka dhaawicin” ayey raaciyeen.

Dhalinyaradan oo aad u tiro badnaa, ayaa shacbiga gobolka Sool u hogga-tusaaleeyey ahmiyadda nabadgelyadu u leedahay nololsha iyo horumarka, waxaanay uga diggeen inay ku tasoobaan durbaannada laga garaacayo dibadaha ee la doonayo in lagu wiiqo dalka iyo dadka Somaliland.

Aqoonyahanka ayaa farta ku fiiqay in shirqoolka loo maleegayo shacbiga Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle uu yahay mid halis ah oo aan cidna dani ugu jirin, kaasoo ay ku tilmaameen mid layskaga horkeenayo bulshada iyo Dawladdooda, kaddibna isku-dhacaasi looga faa’idaysto in mandaqad collaadeed laga dhigo deegaamadaasi, taasoo ah qorshe aan dibin-daabyo mooyee wax dan ahi ugu jirin Umadda iyo qaranka JSL toona.

Leave a Reply