Xukuumadda oo Go’aamo ka soo Saaray Xaaladda Gobolka Sool

0
317

Laascaanood (Dawan) Waftigii golaha wasiiiradda Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada, ayaa sheegay in xukuumadu diyaar u tahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabashada shacabka.

Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado, isla markaana ay sii daysay dhamaan dadkii lagu soo qabtay qalalaasaha.

Wasiirada ayaa sheegay in ay taageersanyihiin baaqii kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada, ee magaalooyinka bariga, sida uu warbaahinta u akhriyay wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dadwynaha Laascaanood ayay ugu baaqeen in ay nabada ilaaliyaan, sidookale, dadkii qaxay ayay ka codsadeen in ay kusoo laabtaan magaaladooda, jaamacadaha, dugsiyada iyo malcaamadaha Qur’aanka ayay sidookale, amreen in dib loo furo.

Waxaanu yidhi.“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hore uga tacsiyadeeyay muwaadiniintii rabshadihi ka dhacay magaalada Laascaanood, iyada oo xukuumaddu qaadatay khasaarihii dhimasho ee rabshadahaasi ka dhashay.

Xukuumaddu waxa kale oo fulisay si xasilooonidii loo soo celiyo, waxa ay xakamaysay ciidamadii amaanka, iyo bulshadii Laascaanood, sidoo kale waxa ay siidaysay dhammaanba dadkii ku eedaysnaa shaqaaqadii mudaharaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay gudaha magaalada.

Xukuumaddu iyada oo ku dadaalaysa in aanay shaqaaqadaasi sii socon waxa ay kulamo la qaadatay bulshada gobolka Sool, madax dhaqameedka, culimada, guddidi 33-ka ahaa, golayaasha degaanka ee gobolka Sool, Laascaanood, Xudun iyo Taleex, dhammaanba isu’duwayaasha wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee madaxa banaan.

Xukuumadda Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabadgalyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira, xubana golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun”

Waxay sheegeen in xukuumada Somaliland ay ka go’antahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabasho kasta oo shacabku qabaan.

 

 

 

Leave a Reply