Xildhibaanno Guurtida ka Tirsan oo Magaalada Hargeysa ku Booqday xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle

0
321

Hargeysa (Dawan) Mudanayaal ka tirsan golaha guurtida Somaliland cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqday xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle oo ka tirsan xildhibaanada golaha guurtida, oo waxyeelo ay ka soo gaadhay haanta cuntada lagu karsado.

xildhibaanada ka wardoonay xildhibaanka ay isaga iyo qoyskiisa dhibaatadu ka soo gaadhay hanta cuntada lagu karsado oo ku qaraxday, waxaanay mudanayaashaasi siwada jira ugu duceeyay xildhibaanka iyo intii dhibtu soo gaadhayba, iyaga oo ka tacsiyadeeyay xildhibaanka marwadiisi iyo gabadh kale oo ku geeriyootay kadib markii ay ku Qaraxday hanta cuntada lagu karsado.

Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in shirkadaha soo dejiya Haamaha Gaasta ee cuntada lagu karsado in lagula xisaabtami doono ciddi ay waxyeelo ugaystaan.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Siciid Libaaxo), ayaa sheegay in wixii khasaare ay gaysatay hanta cuntada lagu karsado ay kula xisaabtami doonaan shirkadii keentay, isla markaana ay golaha horkeeni doonaan.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu soo booqanay xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle oo ka tirsan golahayaga, Marwadiisii iyo inan kale ayaa ku nafwaayay kadib markii ay ku qaraxday hanta gaasta ee cuntada lagu karsado, isaga iyo inankalena hadda waa dhaawac oo dhakhtarka ayay yaalaan.

Farxaan waanu la qaybsanayna dhibaatada ka soo gaadhay Qaraxa haantaasi, waanu ka tacsiyadeynayna ciddii ku nafwayday ee qoyskiisa ah.

Shirkadaha adeega laydhka bixiya ayaa markii hore sababi jiray dabka, balse waxa hadda ku soo biiray shirkadihii keenayay haamaha cuntada lagu karsado wixii khasaare ah ee ka dhashana waa loo qabsanaya, golaha ayaanu horkeeni doona, waanu la xisaabtami doona”

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, ayaa shirkadaha soo dejiya haamaha gaaska ee cuntada lagu karsado in marka hore inta aanay dadka ka iibin ay ku tabbabaraan qaabka ay u isticmaalayaan.

Waxaanu yidhi.“Waa in dadkii ay ku tababaraan shirkadaha haamaha gaasta ee cuntada lagu karsado keena in dadka ay ku tababaraan sidii ay isaga ilaalinayaan, sida ay u shidayaan, dadkiina baahi ayaa ugaysay oo dhuxushii ayay goyn kari waayeen, inkasta oo aanay iyaduna ka jabnayn, waxaanu leenahay shirkadaha ka ganacsadaha haamaha gaasku ha taxadiraan, haddii kale dhibta ka timaada iyaga uunba dusha laga saaraya”

Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen, ayaa soo jeediyay in ay mastaafo isu jiraan goobta la dhigayo hanta gaasta ee cuntada lagu karsanayo iyo meesha dadku fadhiisanayaan ama seexanayaan.

Waxaanu yidhi.“Haanta halka dhigayo iyo aqalka halka la fadhiisanaya inay kala durugsanadaan ayaa loo baahanyahay, oo haweenkuna inay furan tahay iyo inay shidan tahay hayska hubbiyaan”

 

 

Leave a Reply