Wasiirka Degaanka oo Tababar u soo Xidhay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda

0
434

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa agaasime waaxeedyada wasaaradda u soo xidhay kulan hawleed socday muddo laba cisho ah.

Kulan oo socday muddo laba maalmooda ayaa lagaga dooday dejinta qorsha sanadeedka cusub ee 2023-ka, ee wasaaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankaas diirada lagu saaray waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii wasaaradda ee sanadkii tegay ee 2022-ka, wixii la qabtay, waxyaabihii qabsoomay iyo sidii loo dhammeystirilahaa waxa qorshaysan.

Wasiirku waxa ay sheegtay in sannadkan cusub ay ka wasaaradd ahaan rajaynayaan in uu noqdo sananad wanaagsan, waxa ay intaas ku dartay in wasaaraddu ay tahay wasaaradda shaqada ugu adag laga qabto marka loo eego wasaaraddaha kale ee dalka ka jira.

Shukri Baandare, ayaa masuuliyiintii kulan hawleedkaasi ka soo qayb galay kula dar-daarantay in ay xil iska saaraan sidii loo gaadhi lahaa qorsheyaasha wasaaradda, si loo gaadho hiigsiga wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee sanadkan 2023-ka.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed Cabdilaahi Ducaale, oo isna xidhitaankii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in kulankani uu muhiimad weyn u lahaa wasaaradda iyo qaranka ba, isaga oo intaas raaciyay in kulankan lagu lafa’guray qorsheyaasha la hiigsanayo ee wasaaradda Deegaanka, iyadoo laga duulayo tubta qorshaynta qaranka ee lagu jaan-gooyay tiirarka horumarka qaranka Somaliland.

 

 

 

 

Leave a Reply