Madaxweyne ku-Xigeenka JSL oo Ka Hadlay Muhiimada Dekeda Berbera u Leedahay Barriga Afrika

0
283

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in Dekedda Berbera kaalin weyn ka qaadato quudinta malaayiin dadka qaxootiga iyo bara-kaceyaasha wadamadda Barriga Afrika.

Md. Saylici ayaa ku bogaadiyey shirkadda DP World maalgashiga ay ku samaysay. Fariin uu ku baahiyey bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu ku yidhi, “Dekadda Berbera ee Somaliland waxay door muhiim ah ka ciyaartaa qaybinta mucaawinooyinka malaayiin qaxoonti ah & dadka gudaha ku barakacay ee Bariga Afrika.” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxuu uuga mahadceliyey shirkada DP World iyo dalka Imaaraadka maalgashiga dekeda Berbera, “Waad ku mahadsan tahay maalgashiga Imaaraadka ee DP World, taas oo dekeddeenii ka dhigtay xudunta ugu weyn ee qaybinta mucaawinooyinka & hawlaha ganacsiga.

Hadalka Madaxweyne-xigeenka ayaa ku soo beegmaya xilli dekedda Berbera ay soo gaadheen maraakiib mucaawinooyin kala duwan u disa wadamadda deriska.

 

 

 

 

Leave a Reply