Noqo Khabiir Xaliya Dhibaatooyinka

0
73

Meel kasta oo ay shaqo ka socoto dadka ugu mushaharka badani waa dadka ugu dhibaato xalin wanaagsan meesha ay ka shaqeeyaan. Meel dhibaatooyin la xaliyaa aanay oollin, shaqooyin ma yaallaan. Markasta oo ay aad u weyn yihiin, aad u adag yihiin, aad u cakiran yihiin; aadna ay u kharash badan yihiin dhibaatooyinku, waxa aad u weynaada; aadna u bata fursadaha meeshaas yaalla ee adi ku sugaya si mushahar badan laguu siiyo; laguuna dalacsiiyo si dhakhso badan. Midna maanka ku hay, hadaf la gaadhi waayey hadaad aragto, kaliya waa dhibaato la xalin kari waayey. Shaqadaadu waa in aad hesho siyaabo kala duwan oo lagula tacaallo caqabad kasta ama culays kasta oo dhex qotoma dariiqa himilada. Kartida aad u leedahay xalinta dhibaatooyinku waxay jaangoyn doontaa gebi ahaan tayadaada nolosha ee guriga iyo goobta shaqada.

Joogteynta hab nidaamaysan oo dhibaatooyinka lagu xaliyaa waxa uu toosiyaa awoodda caqligaaga. Tani waxay u baahan tahay adiga oo laasima hab fudud, hore loo tijaabiyey oo todoba tallaabo ka kooban. Habkan ayaa ah mid kuu ogolaan doona in aad si fog u adeegsato awoodahaaga maskaxeed marka la barbar dhigo sidii markii hore aad u adeegsan jirtay, kaliya hadiiba aad mixnad si fudud farahaaga ula gasho ama aad ku dhacdo xaalad adag, waa sida dad badani ay sameeyaane. (Soomaalidaa ku maahmaahday, “Haday gacantaadu dhudhub gasho, laguma soo dhuftee waa la soo dhiraandhiriyaa”).

Intaa waxa dheer, hab nidaamsan, qorshaysan, caqligaaga ku qormay oo u darban waajihidda dhibaato kasta ayaa kuu ogolaan doonaa, inaad si fog u adeegsato awoodahaaga maskaxeed, si loo gaadho xalliimaha dhabta ah ee ku haboon dhibaatada hortaada taalla. Hanaanka nidaamaysan ee dhibaato xalintu, waxa uu dhiirigaliyaa in caqligaaga xeesha dheeri uu ku siiyo kasmooyinka iyo fikradaha aad u jeelan tahay wakhti xaadirka lagu jiro.

Tallaabada Koowaad:

Tallaabada koowaad ee habka dhibaato xalinta nidaamaysani waa: adiga oo ugu horeynba dhibaatada ula kulma si degan; una rajeeya si kalsooni leh, in uu jiro xal macquul ahi, wax-ku-ool ahi, kaasi oo sugaya ciddii hanan lahayd. Habkani waxa uu dejiyaa naftaada, u raaxeeyaa neerfahaaga; una furaa caqligaaga hal-curinta dhammaan dariiqooyinka kala duwan ee aad u mari karayso xalinta dhibaatada. Ka soo qaad marka ugu horeysa ee aad xalinta bilaabayso, in sida xanuun waliba daawo u leeyahay si lamida ay dhibaato kastaana u leedahay xal. Xalku waxa uu ku jiraa dhinaca riixsami kara ee dhibaatada. Kaliya xalku dhibaatada ayuu ku sii dhex jiraa; waxana uu sugayaa kaliya in aad hesho. Ahow mid xal ku jihaysan halkii aad ka ahaan lahayd mid dhibaato ku jihaysan. Ka feker tallaabooyinka togan ee aad qaadi karayso iyo waxa la samayn karayo, halkii aad wakhti badan ku lumin lahayd in la abaarro cidda dhibaatda ka masuulka ah. Kolka aad si joogto ah uga fekerto; ugana hadasho xalliimaha macquulka ah, waxa aad ahaan doontaa mid aad u samo-saadin badan, degan oo fiiro u leh fal-celimihiisa.

Tallaabada Labaad:

Tallaabada labaad ee lagaa rabo inaad qaadaa waa: adiga oo dhibaatada u qaata imtixaan awoodaada tijaabinaya amaba fursad kuu timid. Ereyyadu waa muhiim. Ereyyadu waxa ay leeyihiin xamaasado kicin kara shucuurta dadka, si togan ama si taban. Xulashada ereyyo cayiman oo dhibaato qeexayaa waxa ay kicin karaan ama hoos u dhigi karaan cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo garaaca habdhiska neefsashada. Ereyyadu waxa ay kaa dhigi karaan adiga mid faraxsan, hal-abuur ah ama mid cadhaysan oo dhakhso u fal-celiya. Ereyga dhibaato waa erey taban. Wuxuu abuuraa qas iyo jaha-wareer. Wuxuu abuuri karaa walaac iyo welwel. Bal malee adiguba kolka uu qof ku soo waco ee uu si kadis ah kuu yidhaahdo, “Dhibaato ayaa ina haysata!” Durbadiiba waxa aad noqotaa mid naxsan oo isku dhex yaacsan. Laakiin haddii aad u qaadato dhibaato kasta ama culays kasta oo kula soo gudboonaada imtixaan awoodaada tijaabinaya amaba fursad kuu timid, waxa aad uga fal-celin doontaa sida ugu macquulsan, ugu degan; uguna waadixsan.

Napoleon Hill, 22 jirkiisii, isaga oo baadi goobaya sirta guusha mar uu waraysiyo kala duwan la yeeshay dadka maaliyad ahaan isku fillaaday, waxa u soo baxday in mid kasta oo dadka uu waraystay ka mid ahi uu xusay, in caqabad kasta iyo culays kastaaba uu dhuuxa ku wato siidh fursadeed iyo faa’iido hor leh oo soo ifbixi doonta caqabada kadib.

Shaqadaadu waa adiga oo caqabad kasta u arka imtixaan awoodaada tijaabinaya oo laguu soo diray si uu kaaga dhigo mid caqli badan, karti badan oo wax qabsada; intaa kadibna ka dhex fiiri caqabadaas faa’iidada ku dhex jirta ee ay dhuuxa ku wadato. Warka fiicani waxa uu yahay in badanaaba aad heli doonto shay wanaagsan ama faa’iido leh oo ku saacidi kara.

Tallaabada Saddexaad:

Tallaabada saddexaad ee habka dhibaato xalinta nidaamaysani waa: adiga oo si waadix ah u qeexa dhibaatada ama caqabadda kaa hor timid. Weydii naftaada, “Waa maxay dhabtii dhibta jirtaa?” qoraalna ku samee. Si waadix ah warqad ugu qor. Qeexitaanka si waadix ah dhibaatada loo qeexaa waa qayb xalka kamida. Lafaguridda si sax ah dhinacyo badan wax looga eegaana waa qayb daaweynta kamida.

Kolka aad si waadix ah u qeexday dhibaatada, weydii naftaada, “Maxaa kale ee dhibaatadan la xidhiidha?” Xasuuso, su’aalo si wacan loo weedheeyey waa cariyaha awoodda badan ee hal-curinta. Mar kastoo aad tahay qof dhibaatadiisa u sharaxi kara siyaabo kala duwan oo u dhigan qaab su’aaleed, waxa aad heli doontaa habab iyo afkaaro farobadan oo kaa saacida xalinta dhibaatadaas; kuna hay maankaaga in dhibaato waliba ay leedahay hal qeexdin oo kaliya.

Haday wax iibintaadu hoos u dhacdo, dhibaatadaada waxa aad u qeexi lahayd sidan, “Wax iibintayadii ayaa hoos u dhacday.” Laakiin ka waran hadii aad go’aansan lahayd inaad dhibaatada dib ugu qeexdo ama ugu sharaxdo siyaabo kala duwan. Sidan oo kale ayaad odhan lahayd, “Wax iibintayadu waxa ay gaadhi wayday meeshii aanu filaynay inay gaadho” ama “Ma nihin kuwo iibinaya wax badan oo kamida aloobiyinkayaga ama adeegyadayada, sidii aanu filaynay”.

Adiga oo qeexitaanadaas maanka ku haysta, habab cusub oo aad u xaliso dhibaatada ayaa lagu tusin lahaa; waxana aad odhan kari lahayd, “Kuwa nala tartamaya ayaa naga wax iibin badan” ama “Dadka wax noo iibiya ayaa ka cago jiidaya inay wax iibiyaan si aanu u gaadhno ahdaaftayada wax iibineed” ama “Macaamiishii wax naga iibsan jiray ayaa u wareegay oo wax faro badan ka iibsada kuwo nala tartamaya.”

Mar kastoo dhibaatada aad dib u qeexdoba, waxay aad ugu dhawdahay in xalku yimaado. Qeexitaan kasta oo ku saabsan xalin dhibaato ama gaadhitaan hadaf, waxa uu kugu hoggaamiyaa jihooyin kala duwan oo ku kaalmayn kara.

Tallaabada Afraad:

Tallaabada afraad ee habka dhibaato xalinta nidaamaysani waa: adiga oo aqoonsada dhammaan sababaha macquulka ah ee dhibaatada dhaliyey. Raadi asbaabaha muuqda iyo kuwa qarsoon ee dhibaatada dhaliyey. Tijaabi waxyaabaha kaaga iftiima ee aad si guud uga fahanto dhibaatada. Weydii naftaada, “Ka waran hadii gebi ahaanba aynu ka weecan lahayn dariiqa lagu xalinayo xaaladan taagan?” “Natiijo noocee ah ayaa se inoo soo bixi lahayd?”

Aasaaska fashal kasta waxa ku qarsoon ismoodsiisyo si qaldan loo fahmay. Waxa laga yaabaa in si qaldan oo bilaa dhugmo ah aad si ugu qaadato in wax ka qaldan yahay badeecooyinkaaga, adeegyadaada, suuqaaga, tartankaaga amaba macaamiishaada. Cilmi-baadhis kastoo saynis waxa ay ku salaysan tahay baadhis qoto dheer oo la xidhiidha sida ay wax yihiin iyo siyaabaha ay wax kuula muuqdaan (sida in iibka hoos u dhacay uu yahay shaqaalaha oo aan macmiilka qancin, iyadoo laga yaabo in aanay sidaas ahayn ee ay si kaleba tahay). Haddii iibkaagu hooseeyo maxaa sabab u ah ee aad rumeysan tahay? Sidee ayaad se ku rumaysatay waxa sababay?

Tallaabada Shanaad:

Tallaabada shanaad ee habka dhibaato xalinta nidaamaysani waa: adiga oo gudoonsada dhammaan xalliimaha macquulka ah. Isku day in aad qorto xalliimaha muuqda, intaa kadibna xalliimaha aan aad u muuqan. Soo saar xalka ku lidka ah xalliimaha muuqda. Mararka qaar waxa dhacda, in gebi ahaan xalku uu samayn waayo wax macne ah.

Mararka qaar xalku waxa uu munaasib ku noqdaa dhibaato kale oo aad uga gedisan dhibaatada taagan. Mar kastoo xalliimaha aad heli karaysaa ay ku salaysan yihiin qeexitaanka saxda ah ee dhibaatada iyo qeexitaankaaga asbaabaha dhibaatada, waxa aad u sii dhawaataa xalka dhabta ah ee loo baahan yahay.

Tallaabada Lixaad:

Tallaabada lixaad ee habka dhibaato xalinta nidaamaysani waa: adiga oo go’aan mida ka qaata xalliimaha kala duwan ee aad heshay. Go’aanku noocuu doonaba ha noqdo’e waxa uu dhaamaa go’aan qaadasho la’aan. Go’aan kastoo waadix ahi waxa uu cariyaa curin, waxa uu dhaliyaa tamar; waxana uu hurdada ka toosiyaa caqligaaga xeesha dheer. Ahaw mid doonaya in uu qaato go’aan; xog cusub haddii aad heshona, sidoo kale ahaw mid doonaya inuu wax ka bedalo go’aankii uu qaatay.

Tallaabada Toddobaad:

Tallaabada todobaad ee habka dhibaato xalinta nidaamaysani waa adiga oo dusha u rita masuuliyad dhammaystiran ama u igmada cid kale oo hirgelisa xalka. Intaa kadibna qaad tallaabo go’aankaaga la xidhiidha. U bilaw hawsha sida ugu dhakhso badan ee macquulka ah; hana dib dhigin.

Waxa la yaab leh sida dad badani ay noloshoodii oo dhan u bedaleen iyaga oo adeegsaday hanaankan go’aan qaadasho; kadibna si dhakhso badan tallaabo cayiman u qaaday si ay u xaliyaan dhibkooda ama u gaadhaan hadafkooda.

Mid xusuusnow, guulaystayaashu ma aha kuwo mar walba sameeya go’aanada saxda ah. Laakiin, go’aanadooda ayey si sax ah u sameeyaan. Isla kolka aad hirgeliso go’aan, durbadiiba waxa aad heli doontaa dareencelin ka dhalatay ficiladaada. Dareencelintani waxay kuu ogolaataa in aad dib u saxdo meelihii aad ilduuftay ee go’aankaaga. Kolka aad isa saxdo ee aad qaado tallaabooyin kale oo cusub, waxa aad heli doontaa dareen celin faro badan oo aad wax ka baran karto. Intaa kadib, waxa aad noqotaa mid caqli badan oo karti badan. Sida ay natiijadu tahay, waxa aad bilawdaa in aad si dhakhso badan ugu dhabaabacayso dhanka hadafkaagu jiro.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply