WEEDHA WARGEYSKA Laba qodob oo la gudboon Isimada iyo samo-taliska Sool, Sanaag iyo Buudoodle

0
236

Somaliland dhismaheeda ku abuurmay midhihii halgankii xoreynta Dalkii gobanimadiisu innaga luntay 1960-kii ma ahayn go’aan lagu khasbay deegaamo gaar ah oo aan dan u arkayn dib-u-la soo noqoshada madaxbanaanida JSL 1991-kii, waxaana arragtida qudha ee meeqaamkaas masiiriga ah ka hoosaysay lagu tilmaami karaa oo kaliya inay ahayd in bulshooyinka qaar kamida oo qayb ka ahaa Bud-dhigii Dawladnimada ee Burco ka aaminsanaayeen talaabo badbaado ah oo ay umaddii dhulka wada degenayd ku kala nabad-galeen dhexdooda, dayrna uga noqday duulaan shisheeye iyo dabka wali ku baxaya Soomaaliya oo haddii aan darbiga  adag ee Qarankani innoo dhisnayn Haad iyo Waraabe ka dhergi lahaayeen shacbigeenna daraf ilaa daraf Dalka wada joogga.

 

Heshiiska bulsho ee Beelaha Somaliland dhex maray 32 sanno ka hor iyo kaddib-ba, kaasoo qoloba dhinacii ay ka eegtay maslaxadiisa wax ay ku bedeshaan ama ay kaga tanaasulaan aannay u soo kordhin, ayey ku dhisantahay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana qabaa’ilka axdigaasi dhex maray kamid ahaa bulshada balaadhan ee ku dhaqan Gobollada Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo ay talo-qabeenkii xilligaas u arriminaayey ay goob-joog ka ahaayeen shirarkii Nabadeynta Beelaha, aasaaskii dib-ula-soo-noqoshada Qaranimada iyo guud ahaan hawlihii socday laga soo bilaabo Shirkii Bali-gubadle ilaa kii Boorama ee Seeska loogu dhigay Waddanka aynu maanta halkuu marayo wada ogsoonahay ee Somaliland.

Ergooyinkii wakhtigaasi metelayey bulshada gobolladaas oo uu hogaaminayey Garaadkii Guud ee talada hayey iyo siyaasiyiintii ugu miisaanka cuslaa marna marti iyo mudan la afduubay kuma ahayn, kumana noqon goleyaashii loogu talinayey maslaxada iyo masiirka umadda Somaliland ee dhib iyo dheefba wadaagta ah,mana jirto meel kale oo iyaga oo aan joogin qabaa’il gooni ahi kaga tashadeen lahaanshiyaha Waddanka. Sidoo kale ma jirto lamana soo sheegin goob sad-quudheed iyo metelaad aan u qalmin loogu jaan-gooyey Beelaha Sool iyo Sanaag iyaga oo aan talada qayb ku lahayn, mase xukumayno in wakhtigaasi lagu wada qanacsanaa hab-qaybsigii hogaanka sare ee saami-goosaadka leh, waxaana xaqiiqo ah inay dhamaan Ardaayada wax wada dhistay saluugsanaayeen manaasiibtii loo looggay.

Waxa kale oo iyaduna xaqiiqo ah, duruuf wali taaganina sababsatay in Dawladnimadu xilligaasi ay ahayd Beer Siidhka lagu guray oo saraceedu soo baxay, dabadeed lagu kala sad-roonaaday gurashadii Midhaheeda, taasoo ka dhigan in Beerta abuurkeeda la wada leeyahay, balse dheefteeda in la kala badsadaa dhici karto, loona baahan yahay in heshiis laga gaadho dheeli-tirka munaafacaadsiga ama cida wax tabanaysaa xaqeeda ku dhacsato xeeladaha kale ee uu heshiiska wada-lahaanshiyuhu ogol yahay in lagu kala xaq badsado. Taas micnaheedu waxa weeye in aan fahamno in Dastuurka Somaliland siiyey muwaadiniinta Dalkeena xuquuq siman, balse helida xuquuqdaasi lagu kasbanayo tartan iyo dariiq dimuquraadiyaddeed oo uu qabiilka ugu tirada yar beelaha Qof ka soo jeedaa kursiga madaxweynaha ee u sareeya ku fuuli karo, hannaankaasoo ah kii looga soo guuray qaybsigii Axdi-qarameedka ku dhisnaa, fursad weynna siinaya deegaamada saami-qaybsiga ka biyo-diidsan inay codkooda ku hanan karaan Mindida Daabkeeda (Kursiga madaxtinimada), taasoo saansaankeedu iminka dhow yahay.

Sidaas awgeed, Isimada Dhaqanka ee Gobollada Sool, Badhan iyo Buuhoodle ama (Sool,Sanaag iyo Buuhoodle) ee beryahan xaalada Magaalada Laascaanood maryaha kale u gelinaya, isla markaana talinaya kala-geynta umadda Walaalaha ah ee Somaliland wada dhistay, wada-tashigana u gogol-dhigtay Magaaladaasi waxa la gudboon laba qodob oo dan u ah umadda ay hogaanka dhaqanka u yihiin ee ay taladooda masiiriga iyo maaraynta nololleedba la xidhiidha u balansan yihiin, waxaanay kala yihiin labada qodob:

  1. Ka fogaanshiyo laab-la-kac iyo go’aamo cadiifad ku dhisan

Isimada Dhaqanka ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo siyaasiyiinta haldoorka ah ee ay ku kalsoontahay bulshada gobolladaasi, waxa la gudboon in aanay sahan la’aan guurin oo aanay sal-fuddayd ku hayaamin umadda ay hormuudka u yihiin ee maanta nimcada iyo horumarka ku naaloonaysa, kana badbaaday mashaakilka dawlad la’aaneed ee deriskeena Soomaaliya ka jiray soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, ilaa iminkana nidaam ka sal-dhigay oo dawladnimo aanu jirin. Waa in aanay Laascaanood u horseedin dawlad la’aan, nabad-gelyo darro, maamul la’aan iyo in kala-dambeynta sharci gacanta shacbiga ku burburto, taasoo haddii ay timaado natiijo wanaagsan oo laga dhaxlo  aanu damaanad qaadi karin Garaad iyo Suldaan toona. Waa in aanay shacbigooda luggoynin oo aanay u dayicin Haad iyo Waraabe ku hella Ciidan iyo Dawlad la’aan iyo Laascaanood noqoto hoyga Kooxaha xagjirka ah ee halganka ugu jira inay dagaalkooda ku fidiyaan dalalka deriska la ah Soomaaliya-da ay gumaadka ku hayaan.

2: Garnaqsi iyo gorgortan dhaxal-gal yeesha:

Waa xaq aan cidna ka hor-istaagi karin Isimada iyo Laabeenta gobolladaas inay si madaxbanaan uga tashadaan aayahooda umaddeed ee horumar iyo hilaadin mustaqbal ku wajahan iyo inay u meel-dayaan shacbiga ay masuuliyada u hayaan. Sidaas darteed waxa la gudboon inay gogosha Wada-tashi ee ay iminka u  madlan yihiin haddii ay u qabsoonto ku xejiyaan mid kale oo ay arragti midaysan iyagoo qaba kula garnaqsanayaan Dawladda Somaliland, isla markaana kaga doodayaan wax kasta oo ay tabasho ka qabaan, hadday tahay xuquuq siyaasi, mid dhaqaale, mid bulsho iyo nooc kasta oo dhibaato ah oo ay ka tirsanayaan nidaamka Dawladdeed ee Waddankooda, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee in deg deg loo daaweeyo ay kamid yihiin khasaarihii ka dhashay isku-dhacyadii Shacbiga iyo Ciidanka ee todobaadyadii la soo dhaafay iyo in jid loo bixiyo dadkii magaaladaasi lagu laayey ee ay dawladdu baadhista ku haysay dilalkooda. Labadaas arrimood ee dhacdooyinkoodu bulshada kiciyeen waa Xaalado Somaliland oo dhami dhibane ka tahaye, madaxdhaqameedka iyo indheer-garadka Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxa la gudboon inay miis wada-xaajood ku soo bandhigaan wax kasta oo taabanaya mustaqbalka aayaha mujtamaca deegaamadaas, marka horena ka baaraan-degaan waxa kaga maqan Somaliland iyo waxa ay iminka ku leeyihiin nidaamka dhisan. Taas micnaheeda oo koobani waxa weeye inay la yimaadaan garnaqsi iyo gorgoortan ay ku sixi karaan wixii ka khaldamay ama kaga lumay wada-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ku metelayeen waakhtigii adkaa haldoorkii iyo oday-dhaqameedyadii ay talada ka dhaxleen.

Labadan qodob, waa fursaddo dahabi ah oo ay haystaan maanta Jilbo-culusta ka soo jeeda Gobollada saddexanta ahi oo haddii ay dayacaan ay kasban doonaan naanays iyo magac-xumo. Ugu dambeyn Xukuumadda JSL waxa  ku waajib ah in aanay marnaba aqbalin talaabo kasta oo lagu minjo-xaabinayo maslaxda, masiirka iyo mustaqbalka nololleed ee shacbiga Gobolladaasi, waana inay u dhego-nuglaato dareen kasta oo ay si xor ah ugu garnaqsanayaan umaddaasi.

 

 

Leave a Reply