“Somaliland Dedaal aad u Badan Ayay Gelisay Joojinta Ka Ganacsiga Sharci Darrada ah ee Duur-joogta …..” National Geography

0
52

Akhristeyaal qormadeenna todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qayb ka mid ah warbixin ay shebekadda caanka ah ee National Geography ka diyaarisay xaaladda ugaadhsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka ee Somaliland iyo sidoo kale dalalka Geeska Afrika.

Warbixintaasi oo ay shebekadu diyaarisay dhawr sanadood ka hor ayaa ka kooban qaybo kala duwan, isla markaana dhinacyo kala gedisan lagaga falan-qeeyay ganacsiga sharci darrada ah ee lagu hayo Harimacadka ku nool Somaliland iyo dedaaladda ay dawladda Somaliland ugu jirto joojinta arrintaasi.

Warbixintaasi ayaa lagu bilaabay sidan:

Inka yar 7000 oo Harimacadka waaweyn ayaa wali duur joog ah, sidda lagu sheegay tirro-koobyo dhawaan la soo saarey, waxaaney badankoodu ku nool yihiin afrika koonfurteedda iyo barigeedda.

Ganacsigga caalamiga ah ee Harimacadka waxaa la mamnuucay adduunka sanakii 1975-kii. Iyadoo sidaas ah, ayaa hada na intii u dhaxaysay sanadihii 2010-kii ilaa 2019-kii, waxaa caalamka lagu iibinayay ama ba lagu iibiyelay 3600 oo Harimacad ah, iyadoo  keliya ay ciidamada sharciga ilaaliyaa qabteen.

Sida ay sheegtay Patricia Tricorache, oo cilmi baadhe ka ah Jaamacadda gobolka Colorado ee dalka Mareykanka oo iyaddu ku raad-joogtay ganacsiga Harimacadka muddo 15 sanadood ah.

Sidoo kale marka aynu eegno jamhuuriyadda Somaliland in Harimacadka duurka laga soo qabto waxay sharci darro ahayd laga soo bilaabo sanadkii 2015-kii, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Somaliland ee Xeer Lanbar 69/2015.

Dhulkii uu Harimacadku ku noolaan jirey oo dadku la wareegeen iyo dilka aar-goosiga ah ee xoolo dhaqatadu kula kacaan marka xoolahooda uu ka cuno ayaa ah labada arrimood ee ugu waaweyn ee halista ku ah noolosha Harimacadka.

Waxaana intaasi u dheer ka ganacsiga sharci-darrada ah ee Harimacadka dhasha ah. Harimacadka dhasha ah oo wali xanaano u baahan, isla markaana aan wali ka maarmin Harimacadka waaweyn ee dhalelay ayaa laga soo qabsadaa duurka, iyada oo hooyooyinkood ay ugaadhsi ku maqan yihiin, mararka qaarkood na waxaaba dhacda in dadka Harimacadka ugaadhsanayaa ay hooyada lafteeda u soo daba galaan halka dhasheedu ay taalo.

Iyagoo lugaynaya ama saaran Awr, gawaadhi iyo Doonyo ayaa dadka ku hawlan ganacsigaa sharci-darrada ahi waxa ay Harimacadka dhasha ah dhex mariyaan Geeska Afrika, iyagoo ka gudbiya Gacanka Cadmeed oo ay geeyaan wadanka Yemen, safarkaasi oo 200 mayl dhan ama ka badan ayaa waxa uu qaadan karaa muddo toddobaadyo ah.

Harimacadka dhasha ah ee safarkaa aadka u dheer ka bad-baada ayaa waxa loo iibiyaa iney noqdaan xayawaan guryaha lagu haysto wadamada Sacuudi Carabiya, isu-tagga Imaaraatka Carabta, Kuwayd, iyo waddamada kale ee Gacanka Cadmeed.

Dawladda Somaliland dedaal aad u badan ayay galisey sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga Harimacadka ee sharci darroda ah, marka loo eego waddamada kale badankooda, marka ay timaado sida wax looga qabanayo nooc kasta oo ah dambiyada la xidhiidha duur-joogta.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil  Baandare, ayaa sheegtay in inkasta oo Somaliland ay tahay waddan oo soo koraya, in ay hadana yihiin waddan aan dooneynin inay arkaan dhibaatooyin soo gaadha duur-joogta.

Wasaaradeedu waxay sutida u qabatey Harimacadka sida qarsoodiga ah loo iibgeeyo, iyaga oo la shaqeynaya ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland, baarlamaanka, garyaqaanka guud ee dawladda iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Dagaalkaasi waa mid Somaliland ay ku ilaalineyso deegaankooda dabiiciga ah, isla markaasna ku xoojinayaan nabadda iyo xasiloonidda, si ay u helaan aqoonsi caalami ah.

Aqoonsi la’aanta Somaliland waxay keentay in aanay si toos ah u helin gargaar caalami ah. Waxaaney taasi ka dhigtey ciidamadoodu inaaney haysan gawaadhi ay ku raadiyaan dadka la tuhunsan yahey, iyo Doonyo ay ku ilaaliyaan xeebahooda, iyo qalabkii isgaadhsiinta ee ay ku wada xidhiidhi lahayeen.

Waxa kale oo wasaaradda deegaanka ku adkaysay in ay hawlahooda gaadhsiiyan meelo ka baxsan magaalada Hargeysa. Dad aad u tiro yar oo ku nool dhulka miyiga ah, ee durugsan ee uu ka soo bilaabmaan hawlahan sida tuugada ah xayawaanka lagu qaado ayaa ka warhaya inay jiraan sharciyo lagu ilaalinayo duur-joogta.

Dadka xoolo dhaqatada ah oo Harimacadku uu caadiyan u yahay mid xoolahooda halis ku haya, ayaa iibka Harimacadka dhasha ahi aanu waxba sidaasa uga duwanayn Riyaha la iibiyo.

Rasmi ahaan, Harimacadku waxa Somaliland u ka dabar go’ay tobanaan sannadood ka hor. Laakiin, xoolo dhaqatada badankoodu waxay sheegeen in mar mar iyo dhif ah ay arkaan.

Mahdi, waxa uu sheegay in uu Harimacadka ku arko duleeddada magaalada Boon bishiiba ilaa hal mar. waxaa kale oo uu sheegay in marka ay ugu yartahey sannadkiiba hal mar ay xoolihiisa soo weeraraan.

Maalin ka dib markii Mahdi, uu dilay Harimacadka, ayaa Cabdinaasir Xuseen Siciid, oo ah agaasimaha waaxda duur-joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo gaadhi ku marayey deegaanka Boon, waxaanu waddada dhinaceeda ku arkay Harimacad Mayd ah.

Nin xoolo dhaqato ah ayaa u sheegay inuu Mahdi, Harimacadkaa toogtay. Waana la soo xidhey. Waxay ahayd markii ugu horeysay ee Mahdi, uu ogaaday inay jirto cid u xilsaaran inay duur joogta ilaaliso.

Dad aad u tiro yar oo ku nool Somaliland ayuun baa ka war haya inuu jiro sharci lagu ilaaliyo duur joogtu, gaar ahaana dhulka miyiga ah. Sida uu sheegay Cabdilahi Xasan Warsame, oo ah duqa magaaladda Xariirad ee gobolka Selel.

Heerka qoritaanka iyo akhriska ee dadka reer miyiga oo aad u yar awgeed ayaa dhibaato ku noqday sidii loo war gelin lahaa dadka xoolo dhaqatada ah oo iyagu inta badan ah dadka ay wada nool yihiin duur joogta.

Waxaanu sheegay inuu rumaysan yahay in haddii wax laga baro muhiimadda uu Harimacadku leeyahay, ay in beeluhu ilaalin doonaan, ee aanay noqon doonin qaar waxyeelo u gaysta, gaar ahaan hadii hogaamiyayaasha dhaqanku ay kaalinta hore qaataan.

 

La soco qaybaha danbe…..

Leave a Reply