- Eray keliya oo nabada ayaa ka qiimo weyn, kumanaan eray oo dagaal ah.
- Daqiiqad keliya ayaa maalin dhan bedeli karta, noloshaada maalin keliya ayaa bedeli karta, qof keliya ayaa aduunka bedeli kara.
- Si karti leh u sheqee, si aad si wanaagsan ugu noolaato
- Haddii aanad si wanaagsan u qaban karayn hawsha laga rabo isku dey inaad u eekaysiiso inaad sidii ugu wanaagsanayd u qabatay.
- Marka aad doonayso inaad ilmahaaga u hesho waxbarasho fiican, waa inaad u raadisa macalin fiican laakiin ha raadin dugsi wanaagsan, waayo cilmi baadhis ayaa muujisay sida uu farqi weyni ugu dhexeeyo ardayga guushiisa iyo dugsiyada xataa fasalada isla dugsi keliya.
- Qirashada guuladaradu waa dhabaha guusha lagu gaadho, baadh waxa khaldamay ka dibna sax oo raac dariiqa guusha dhabta.
- Aqoontu waa macluumaad lagu sheegay, caqliguna waa kan kaydiya oo dhaqan geliya.
- Dulqaadku waa qaybta ugu muhiimsan ee guusha.
- Si aad u guulaysato mararka qaarkood waa inaad halista iyo khataraha u badheedha.