Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ka Hadashay Diiwaan Gelintii Cod-bixiyeyaasha oo soo Dhammaatay

0
260

Hargeysa( Dawan):-Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa ka hadashay Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo  dalka  laga soo gabagabeeyay.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shalay  Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa  sheegay in si nabedgalyo ah ay ku soo dhamaatay Diwaangalinta Codbixiyeyaashu,

agaasime Maxamed Yuusuf  oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa bil ka hor dalka ka bilaabmay  Diwaangalinta Codbixiyeyaasha oo aanu kala shaqaynaynay Komishanka Doorashooyinka dhinaca nabedgalyada,waxa ay inoo soo dhamaatay shalay  gabaldhicii  si nabedgelyo ah ayay dalka uga qabsoontay Diwaangalinta Codbixiyeyaashu.waxaana ku ammaanan Madaxweynaha Somaliland oo bixiyay kharashkii ku baxayay iyo Komishanka Doorashooyinka waana tallaabo hore loo  qaaday,waxaana qayb libaaxle ka qaatay Shacabka Xisbiyadda iyo Ururada Siyaasada xaga  Wacyigalinta.waxaana ka Wasaarad arimo guddo ahaan  uga mahadnaqaynaa Ciidamada sugayay qabashada Diwaangalinta Codbixiyayaasha,waana  guul Somaliland  usoo hoyatay waxaanan   ka  sugaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka kaadh qaybintii Diwaangalinta Codbixiyayaasha,”.

   

 

 

 

 

Leave a Reply