Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Daah-furtay Biyo-xidheen

0
235

Hargeysa (Dawan) Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Duqa caasimadda  Hargeysa iyo maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa si wada jir ah u daah furay mashruuca biyo xidheenka deegaanka Geed deeble oo ay hirgelisay wakaaladda biyaha Hargeysa.

Qaar ka mida injineeradii hirgeliyay biyo-xidheenkan ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray mashruuca iyo xogtiisa, waxaaney sheegeen in mashruucan loogu talo galay in uu qabto biyaha dhulka hoostiisa maraya, isla markaana uu soo kordhiyo biyaha ceelasha laga waraabiyo magaalada Hargeysa, waxaanay intaasi ku dareen in uu yahay kii koobaad ee laga hirgeliyo.

Waxa ay intaas raaciyeen in magaalgelinta biyo-xidheenkan ay leedahay wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaanay xuseen in ay ku baxday lacag dhan boqol iyo lix iyo sideetan kun oo dollar, waxa ay tilmaameen in cabirkiisu yahay 234 mitir.

Maareeyaha wakaalada biyaha magaalada Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in sababaha ay u hirgeliyeen  xarunta maareynta ahayd kadib markii ay arkeen in wakaaladu qalab badan yeelatay in ay yeelato waax fulinkasta cilmibaadhiskasta, waxaanu intaas raaciyay in marka qofkasta hawsha uu ku haboon yahay loo dhiibo shaqadii ay wanaagsanaanayso, waxa uu hoosta ka xariiqay in biyo-xidheenkan mid la mida ay u wado hay’adda Farro Foundation.

Cabdikariim Axmed Mooge duqa magaalada Hargeysa, oo ka hadlay ahmiyada biyo-xidheekani u leeyahay helitaanka biyo ku filan bulshada caasimada,  ayaa sheegay in aan dariiqi hore uun la hayn, balse qorsheyaashan  hadda oo kale la keeno, waxaanu farta ku fiiqay in masuulkasta oo Somaliland xil u hayaana ay fariin u tahay, waxaanu carabka ku adkeeyay in sannadihii wax isdabamarintu ay dhammaadeen, samirkii dadkuna uu dhammaaday, dadkuna ay soo eegayaan xagga masuuliyiinta, waxqabadna ay u baahan yihiin, waxaanu kula dardaarmay in ninkasta inta uu hayo uu tashiilo, oo uu ilaaliyo, isla markaana meeshii uu u arko in loogu baahi badan yahay uu wax kaga qabto, isaga oo aan u kala abtirinayn bulshada, kala jeclaysanayn, loo baahanyahay in loo kala horaysiiyo sida ay baahidu u kala badan yihiin.

Leave a Reply