“Fidno haday Dhacdo Cidda wax laga weydiinaya waa Culimada.”Sheekh Maxamed Haybe

0
215

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe Geelle Geedi, ayaa sheegay haddii ay fidno dhacdo in aanay cidkastaaba ka hadli Karin, balse dadka ehelka u ah inay ka hadlaan ay yihiin culimada, dadka khibrada leh, dadka waayo aragga ah, dadka muslixiinta ah iyo dadka samo taliska ah.

Sheekhu waxa uu xusay in ay dadka nabada ka talinaya wax laga weydiiyo wakhtiga fidnadu dhacdo, dadka ALLE ka cabsiga badan iyo cidkasta oo loo aanaynayo inay xalinkarto fidnadaasi.

Waxaanu sheekhu sidan ka sheegay Khudbadii uu shalay Jimcihii ka jeediyay Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Cidkastaba wakhti fitan kama hadli karto, cid walba wax lama weydiiyo, cid walba makarafoonka lama hoos dhigo, waxaa wax la weydiinaya dadka ehelu cilmiga ah, dadka khibrada leh, dadka waayo araga ah, dadka muslixiinta ah, dadka samo’taliska ah.

Waxa lagu badbaado waxa ka mid ah in ILLAAHEY laga cabsado, aakhiraa innaga danbaysa qofkasta iilyar ayaa la gelinayaa, qabiilkaagu waxba kuu tari mayo, xisbigaagu waxba kuutarimaayo, cidda kudaba ordaysa waxba kuutarimayso, nin walba kalidii ayaa halkaasi lagelin doona, marka waxa aynu ku hadlayno culumo iyo caamo waayeel iyo waxgarad, in aynu ogaana aad iyo aad ayay mihiim u tahay.”

Sheekha oo hadalkiisa siiwata waxa uu sheegay in saddex qolo warkoodu ka saameyn badan yahay bulshada inteeda kale, waxaanu ka codsaday in ka shaqeeyaan isu soo dhaweynta bulshada, ALLENA kaga cabsadaan wixii ay odhanayaan.

Waxaanu yidhi.“Saddex qolo waaka weyn yahya hadalada dadka kale oo ku xisaabtan ayuu leeyahay, culimada hadalkoodu ku xisaabtan ayuu leeyahay, ninka caaqilka, suldaanka, oday beeleedka hadaladoodu ku xisaabtan ayay leeyihiin, waxa aynu ka soo gaadhnay dadkii hore ee wanaagsana inay odhan jireen ‘nin weyni wixii uu cuna waa Jal, wixii uu yidhaahdana waa dardaaran’, odayow hadalkaaga hagaaji oo wax umadu ku kala tagto oo bulshadu isku nacdo, oo la isku karaahiyaysto iska ilaali, odaygu waaka dadka isku soo jiida, ee markii ay dhibaato dhacdo dhexda xidha”.

Sheekh Maxamed Haybe, waxa uu dadka isticmaala baraha bulshada iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan ugu nasteexeeyay in ay iska hubbiyaan wixii ay baahinayaan, isla markaana ay ILLAAHEY kaga baqaan.

Waxaanu yidhi.“Bahda warbaahinta waxaan leeyahay ee facebookyada, youtubyada iyo baraha kale ee bulshada wax lagu gaadhsiyo wax soo galinaya waxaan leeyahay waar iska hubbiya waxa aad soo galinaysaan, waxaasi mayahay wax ILLAAHEY inoo dhaweynaya mise waa wax ILLAAHEY cadhogelinaya”

Leave a Reply