Dhamaadka Kibirkii Iyo Isla Weynida!

0
434

Waxa uu ahaa nin kibir badan, dhiiran oo aan cabsi iyo nixidin lagu aqoon, dunidana waxa uu ku riday  yaab iyo amankaag, waxa uu horseeday in dagaalo lagu rogmaday daafaha dunida ka qiiqaan, caalamka badankiisa uu caan ka noqodo.

Ninkani waa Adlof Hitler oo markii uu xukunka Jarmalka qabsaday sanadkii 1934, muddo yar dalkaasi kaga dhigay mid ka dhisan dhinaca quwaddda wershadaha iyo ciidanka. Waxaana uu noqday quwad laga baqdo taasi oo argagax ku abuurtay quwadihii dagaalkii koowaad kaga guulaystay oo ku soo rogay ciqaabyo aargudasho oo kala duwan dalkiisa Jarmalka.

 

Hitler waxa uu ahaa nin aanay qiimo la lahayn nolosha dadku. Arrimaha ugu yaabka badnaa ee uu ku dhiiraday  waxa ka mid ah markii uu ku riday xukun 20 sano oo xadhig ah, gabadh u dhakhtarad u ahayd.

Sababta gabadhaasi uu xadhigaasi dheer ugu xukumay ayaa la sheegay inay ahayd dawladda Ruuska oo ogaatay inay isaga dhakhtarad u tahay.

Waxa kale oo ka mid arriimaha laga qoray inuu Hitler lahaa ciidan maleeshiyo ah oo lagu magacaabi jiray Duufaan, kuwaasi oo dhalinyaradii Jarmalka ahayd ee aan rabin dagaalkii labaad inay ka qayb galaan ka soo ururin jiray gobolada dalka. Marka ay soo qabtaan ayay iyagu deldeli jireen , ka dibna maydkiisa dul dhigi jireen boodh ay ku qoreen Khaayin.

Weedhaha uu ka tegay waxa ka mid ah:“ Waxaan doonayaa dagaal laakiin waxan u rabaa in wax kasta ay xaq noqonayaan”. Ugu danbaytiina Hitler waxa uu ka mid noqday kuwa iyagu nafta iska jira marka ay ka quustaan nolosha caalamkan yaabka badan ee masiibooyinka maalmaha kala xanuunka badani ku soo marayaan.

 

Leave a Reply