Jaamacada Geeska Afrika ee Borama oo ku Guulaysatay in waxbarasho Lacag la’aan ah ay siiso dadka Danyarta ah

0
257

Borama (Dawan) Guddoomiyaha guddida sarre ee Jaamacada Geeska Afrika ee magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, marwo Bahja Cumar Muxumed, ayaa markii u horraysay ka hadashay in ay magaalada Borama ka hirgeliyaan Jaamacada Geeska Afrika iyo sababaha u waa weyn ee ku dhaliyay.

Waxa kale oo ay ka hadashay geedi socodka waxbarasho ee Jaamacada iyo jaamacadaha wadamada jaarka ee ay xidhiidhka waxbarasho la leeyihiin, sida Jaamacada Haramaayo ee dalka Itoobiya, waxa ay intaas ku dartay in 7 dufcadood ka baxeen jaamacada tan maalintii la aasaasay jaamacada, waxa ay intaas raacisay in shaqo abuur balaadhan ay u sameeyeen bulshaweynta magaalada Borama.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay magaalada fursado waxbarasho iyo mid caafimaadba ay dib ugu celiyaan, isla markaana ay waxbarasho lacag la’aan ah ay siiyaan ardayda ay hayntooda dhaqaale hooseyso, iyada oo tilmaantay in guddida jaamacada Geeska Afrika ay go’aamiso ciddii la siiyo iyo shuruudaha lagu siiynayo.

Waxa ay sidan ku sheegtay Wargeysi gaar ah oo ay siisay hawl wadeenada wargeyska Dawan oo ku booqday xarunta Jaamacadoodu ku leedahay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Ugu horeyn waxa ay iftiimisay guulaha ay gaadheen mudadii jaamacadu jirtay aasaaskii jaamacadaasi iyo tirada shaqaalaha hadda ka hawlgala.

Waxaaney tidhi.“Jaamacada Horn waxa la aasaasay 29/3/2014, waxa aanu ku bilownay 3 kuuliyadood maalinba maalinta ka danbaysa kuuliyaduhu way soo kordhayaan, waxaanay ka hawlgalaan gobolka Awdal iyo degaanada Soomaalidu degto, shaqaalaha 3 qof ayaanu ku bilownay maanta waa 67 qof, taasina waxa ay qayb ka qaadatay shaqo abuurka magaalada,”

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay magaalada fursado waxbarasho iyo mid caafimaadba ay dib ugu celiyaan, isla markaana ay waxbarasho lacag la’aan ah ay siiyaan ardayda ay hayntooda dhaqaale hooseyso, iyada oo tilmaantay in guddida jaamacada Geeska Afrika ay go’aamiso ciddii la siiyo iyo shuruudaha lagu siiynayo.

Waxaaney tidhi.“Bulshada ayaanu dib wax ugu celina, waxa aanu ka duula baahiyaha dadka danyarta ah ee awoodooda dhaqaale hoosayso waxbarashadooduna aadka u fiican tahay, jaamacadu waxa ay leedahay guddi ugaar ah, faaqida, eega marka danbena soo saarta go’aanka cidda u qalanta inla siiyo waxbarashada lacag la’aanta ah, waxa aanu nahay jaamacada waxbarashada lacag la’aanta ah ee ugu badan dadka siiya,”

Geesta kale waxa ay ka hadashay Jaamacadaha caalamiga ah ee ay xidhiidhada la leeyihiin, isla markaana ay khibrada iyo aqoonta gacan qabashada ay ku soo qaataan ardayda wax-ka-barta jaamacadooda sannadka u danbeeya.

Waxaaney tidhi.“Sidoo kale waxa aanu xidhiidho dhaw oo caalamiya leenahay Jaamacada facaweyn ee Haramaayo, madaama aanu aanu aad ugu xooganahay xagga caafimaadka waxa aanu aad uga dhisna xagga tayada, waxa ay waxbarashada oo itus-oo-itaabsi ah ku qaataan cisbitaalka guud ee magaalada Borama iyo 6-da xarumod ee hooyada iyo dhallaanka, taasi oo aanu leenahay maalmo khaas ah, sidoo kale cisbitaal hoostaga jaamacada oo isna Horn la yidhaahdo ayaa jira oo aanu ardayda jaamacadayada wax ka barata ugu talo galay in ay kor ugu qaadaan mihnadooda barashada culuunta caafimaadka, waanu dhisna ardayga aqoontiisa, khibradiisa iyo waayo aragnimadiisa, si dalalka kale ee uu tagi doono uu wax ula qaybsado, waxa kale oo aanu xidhiidh la leenahay cisbitaalka guud ee dawlad degaanka Soomaalida iyo cisbitaalka Referaalka oo ardaydayadu ay ku soo qaataan waxbarashada gacanqabashada, 3 sano ee danbeeyay ayay aqoonta xagga gacanqabashada ku qaadanayeen,”

Gaba’gabadii waxa ay hoosta ka xariiqday in ay adeeg bixin caafimaad oo lacag la’aan ah ay siiyaan waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan Jaamacada.

Waxaaney tidhi.“Bulshada adeegbixinta caafimaadka waanu ku celina oo ardaygii ehelkiisu rabbaan in laga gargaaro xagga caafimaadka waanu ka gacansiinaa, haddii ay tahay qalin, haday tahay daawo iyo haddii ay umulaysaba, si lacag la’aan ah ayaa loogu adeegaa, iyada oo la tixgalinayo ardayga niyadiisana kor loogu qaadayo, waxa jira xidhiidho kale oo aan wali noo dhammaanin oo aanu doonayno in aanu ku sii kodhino xagga jaamacadaha oo dalal kala duduwana, maadama ay 10 jirsanayso waxa aanu rajeynayna haddii ILLAAHEY yidhaahdo in aanu u dabaaldegi doono bisha 3-aad ee sannadkan, maadama aanu guulihii waa weyna gaadhnay”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply