Wasiirka Biyaha Oo Dhagax Dhigay Ceel Biyood xukuumaddu ka fulinayso degaanka Carro-guduudan

0
200

Gabiley (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Xasan iyo badhasaabka gobolka Gabiley ayaa shalay deegaanka Carro-guduudan oo ka tirsan degmadda Arabsiyo ka dhagax dhigay ceel-biyood Riigg ah oo ay xukuumadu fulinayso deegaankaasi.

Sidoo kale badhasaabka Gabiley, iyo wasiirka wasaaradda Biyaha waxay isla shalay kormeereen Dhaam biyoodka laga hirgelinayo deegaanka Ijaaro ee isla gobolka Gabiley, kaasoo ay qodistiisu socoto.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Jiidhe, oo ka hadlay dhagax dhiga ceel biyoodkaasi Riigga ah ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin tiirka ugu muhiinsan addeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha.

Iyadoo taa laga duulaya na ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, barnaamij siyaasadeedkiisa arrintani uu door weyn ka siiyay, taasoo horseeday in ay hoos u dhacday baahidii biyaha ee gobolka cagaaran ee Gabiley.

Sida uu sheegay C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabile, oo ka warbixinayay dhagax dhiga Riigaasi.

Geesta kale wasiirka biyaha JSL Cali Mareexaan, oo isna kormeerka iyo dhagax dhiga mashaariicdaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadda madaxweyne Biixi, waxyaabaha kaalinta hore kaga jira ay ka mid yihiin biyuhu.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in ay ka go’an tahay xukuumadda iyo wasaaradiisaba sidii guud ahaanba bulshadda reer Somaliland loo gaadhsiin lahaa biyo nadiif ah oo ku filan.

Dhagax dhiga korkeerkaasi waxaa wasiirka iyo badhasaabka ku wehelinayay xubno ka mida golaha deegaanka Gabiley, maamulka degmadda Arabsiyo, iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Leave a Reply