Iran oo kordhisay Saliida Qiimo jaban ah oo ay ka iibiso Shiinaha

0
190

Iyada oo weli ay jirto cunaqabateyn dhaqaale oo curyaamisay, sicir-bararka iyo qalalaasaha bulshada ee baahsan, dowladda Iran waxay sare u qaaday iibka saliidda qiimaha jaban ee ay Shiinaha ka iibiso iyada oo weliba qiimo dhimis u samaysay.

Iran ma daabicin tiro koob ku saabsan iibkeeda saliidda, laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Tehran ay kordhisay dhoofinta saliidda in ka badan 1.2 milyan oo barmiil maalintii saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Saliidda Iran waxa ay ku gaadhaa suuqa Shiinaha hab wax-is-gaadhsiineed oo cajaa’ib leh oo maamulka Iran uu la yimi dhawrkii sano ee la soo dhaafay ee cunaqabataynta reer galbeedku saarayd.

Mahdi Ghodsi, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan machadka Vienna ee daraasaadka dhaqaalaha caalamiga ah ayaa VOA u sheegay in Maamulka Iran uu hadda khibrad u leeyahay in uu ka gudbo cunaqabataynta, xitaa ta lagu hayo Venezuela ama Ruushka oo kale.

Iran waxa ay ka mid tahay shanta wadan ee ugu badan ee soo saara saliida ceedhin ee caalamka,waxana ay soo saari kartaa in ka badan 3.5 milyan oo barmiil oo saliid ah maalintii,sida ay sheegtay maamulka macluumaadka tamarta ee Maraykanka.

Wax soo saarka saliida Iran ayaa lagu soo waramayaa inuu hoos u dhacay 30-sano sanadkii 2020 sababta oo ah cunaqabateynta Maraykanka ku sii kordhay iyo sidoo kale saameynta dhaqaale ee masiibada caalamiga ah ee COVID-19.

Maqnaanshaha xogta rasmiga ah, sida saxda ah inta ay Tehran ka samayso saliidda iyo gaasta ay dhoofiso lama oga. Qiyaasuhu waa kala duwan yihiin $15 bilyan ilaa $30 bilyan sannadkii.

“Dakhliga saliidda Iran ayaa hoos uga dhacay $100 bilyan ilaa $8 bilyan sannadkii ka dib markii Maraykanku ka baxay Qorshihii Wadajirka ahaa, oo sidoo kale loo yaqaan heshiiska Nukliyeerka Iran JCPOA ],” ayuu yidhi Umud Shokri, oo ah falanqeeye arrimaha tamarta caalamiga ah. Maraykanku wuxuu ka tagay JCPOA bishii March 2018.

Iran ayaa ah dalka saddexaad ee ugu badan ee shidaalka siiya Shiinaha kadib Ruushka iyo Sucuudiga. Maraykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka ayaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay dhoofinta saliidda iyo gaaska Ruushka si ay ugu qasbaan Moscow inay soo afjarto dagaalka Ukraine.

Tan iyo bishii Disembar, G-7 – US, Canada, Germany, France, Italy, Japan, UK iyo 27-ka waddan ee Midowga Yurub – waxay qiimaha saliida Ruushka u gooyeen in lagu iibsado $ 60 halkii foosto qiimaha saliidda ceedhin ee Ruushka.

Iyada oo cunaqabataynta iyo qiimaha sicirku ay dhaawaceen dakhliga saliidda ee Ruushka iyo Iran labadaba, Shiinaha ayaa u muuqda inuu ka faa’iideysanayo.

Si loo xakameeyo macaamilka Iran ee caalamiga ah ee cunaqabataynta saaran iyo sidoo kale si looga faa’iidaysto iibsashada saliidda, Shiinuhu waxa uu isticmaalaa hab ganacsi oo wax kala iibsi ah kaas oo saliidda lagu beddelanayo badeecadaha Shiinaha oo ay ku jiraan dawooyinka, mishiinnada fudud iyo cuntada.

“Shiinuhu wuxuu helay faa’iidada ugu weyn ee cunaqabataynta saliida Iran,” ayuu yidhi Shokri.

Si kastaba ha ahaatee, Iran, korodhka iibka saliidda ayaa ka fog xal xasillooni ah oo lagu soo dabaalo dhibaatooyinka dhaqaale ee muddada dheer. Dalka waxa ku habsaday sicir barar daba-dheeraaday oo malaayiin qof ka hoos maray heerka fakhriga.

Maraykanka wuu ka warqabaa walina wuxuu la socdaa saliidda Iran ay ka iibineyso Shiinaha, laakiin waxa uu ku mashquulsan yahay ka hortagga dagaalka Ruushka ee Ukraine ay fursad u siisay Iran inay kor u qaaddo dhoofinta saliidda ay u dhoofinayso Shiinaha ma ah Shiinaha oo keliya laakiin sidoo kale Hindiya iyo Turkiga.

Leave a Reply