Gorgor Naadir ah oo la raadinayo cidii dishay

0
354

Gorgor Naadir ah oo ka mid ah kuwa halista ugu jira inay dunida ka dabar go’aan ayaa meydkiisa laga helay xayndaabka xeradii uu ku noolaa oo ku taal beerta xayawaanka ee Texas kaas oo qaba nabar aan caadi ahayn, sida ay saraakiishu sheegeen todobaadkan.

Dhimashada shimbirkan ayaa dhacday hal usbuuc uun ka dib markii la waayay shabeel Midab leh oo isna caan ku ahaa xeradaa kaas oo ka baxsaday goobtii uu ku jiray. Saraakiisha ayaa sheegay la helay daloolka meel la jaray si uu uga baxo shabeelku.

Booliiska ayaa la weydiistay inay eegaan dhimashada shimbirkan naadirka ah – oo ka mid ah 6,500 oo noociisa ah oo adduunka ku nool.

Natiijooyinka ka soo baxay warbixinta khubarada baadha dhimashada Xayawaanka ee loo yaqaano necropsy ayaa geerida gorgroka ku sheegtay “mid aad looga shakisan yahay”.

“Dhimashadu uma eka inay ka timid sababo dabiici ah,” ayay saraakiisha xayawaanka ku sheegeen hadal ay soo saareen. Faah faahin dheeri ah lama bixin baadhitaanka oo socda awgeed.

“Haddii ay geeridu la xidhiidho wixii ku dhacay shabeelkii la waayey hadda ka hor, waa xaasidnimo iyo denbi u jeedo gaar ah laga leeyahay,” madaxweynaha beerta xayawaanka Greg Hudson ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id. “Taasi waa khatar, aad ayaana uga walaacsanahay arrintaas.”

Waxay ahayd dhacdadii saddexaad ee shakiga leh ee ka dhacda beerta xayawaanka wax ka yar laba toddobaad gudahood.

Shabeel 3 jir ah oo midabka daruuri ah leh ayaa ka baxsaday xayndaabkeedii 13kii January taas oo keentay digniin soo korodhay oo muujinaysa in xayawaan kale oo ka mid ah kuwa Naadirka uu maqan yahay.

Xubnaha shaqaalaha Xayawaanka ayaa sidoo kale ka helay jeexjeexyo ula kac ah oo lagu sameeyay xayndaabka ay ku jiraan daanyeerka naadirka ah.

Afhayeen u hadlay Waaxda Bilayska Dallas ayaa sheegay in Adeegga Kalluunka iyo Duurjoogta ee Maraykanka loogu yeedhay inay gacan ka geystaan ​​baadhitaanka dhimashada gorgorka.

Beerta xayawaanka ayaa dhawaan kordhisay dadaalkeeda amniga guud ahaan 110-ka Hecter ee dhismaha, ayuu yidhi Mr Hudson, oo ay ku jiraan labanlaab tirada ilaalada habeenkii iyo 100-kamaradaha wax duuba oo lagu daray 100- kamaradood oo horeyba ugu yaalay barxadda xayawaanka. Waxay sidoo kale bixinaysaa $10,000 (£8,122) abaal-marin ah ciddii keenta xog horseeda in la xidho oo lagu soo oogo, cidii falka geysatay sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay beerta xayawaanka.

gorgortan oo lagu magacaabi jiray Pin, waxa uu jiray 35 sano jir, waxa uuna ku sugnaa Beerta Xayawaanka ee Dallas 32 sano, mudadaas waxa uu dhalay 11 farac iyo hal awow.

“Dad badan ayaa si wanaagsan u garanayay isaga oo la shaqaynayay muddo dheer,” ayuu yidhi Harrison Edell, madaxweyne ku xigeenka daryeelka xayawaanka iyo ilaalinta xayawaanka ee Dallas Zoo.

Shimbirku wuxuu ahaa mid ka mid ah 27 ka mid ah gorgorka naadirka ah ee ku jira xayawaanka duurjoogta Maraykanka, waxaana la sheegay in noociisa qiyaastii 6,500 ay adduunka kaga nool yihiin.

Leave a Reply