Daah-furka Kaadhadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dawladda Somaliland

0
266

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax ayaa shalay daah-furay kulan ballaadhan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda kaas oo lagu gorfayanayay kaadhka aqoonsiga shaqaalaha Dawladda.

Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen inta badan Agaasimayaasha Guud ee Qaranku ayaa si rasmi ah loogu daah-furay Kaadhadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dawladda, kuwaas oo dib u habayn iyo casriyayn lagu sameeyay isla markaana loo qaybinayo dhamaan shaqaalaha dawladda meel kasta oo ay joogaan.

Intii kulanku socday waxa lagu soo bandhigay qaabka uu u eg yahay kaadhka shaqaalaha dawladdu, waxyaalaha uu koobsanayo, ammaanka xogta uu xambaarsan yahay iyo weliba habraaca loo dejiyay in lagu maamulo oo halkaas si faahfaahsan looga jeediyay.

Guddoomiyahay Hay’adda Shaqaalaha ayaa Agaasimayaasha Guud uga mahadnaqay kaalintii ay ka qaateen samaynta khaadhadhka iyo dhamaystirka hawshan ba, waxaanuu ku bogaadiyay wada shaqaynta dhow ee ay sida joogtada ah ula leeyihiin Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa agaasimayaasha guud iyo ka soo qayb galayaasha kulankan. Sharaf ayay anagana noo tahay in aad kulankan soo ajiibtaan. Waxaanu doonaynaa in daah-furka kaadhka shaqalaha dawladdu in uu hirgalo oo noqdo mashruuc wayn oo ka dhex muuqda dhammaan hay’addaha dawladda Somaliland.”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax waxa uu intaasi ku daray “Faa’iidooyinka uu leeyahay kaadhka shaqaalaha dawladda Somaliland waad ogtihiin dhammaantiin ba, waxyaabaha ka reebanna waaxda sharciga ayaa si faahfaahsan inoogu sharixi doonta, waanan idin soo dhawaynayaa aad iyo aadna waan idiinku mahad naqayaa, sababta oo ah waan ogahay in agaasimayaasha guud ay saarantahay culayska shaqada ee wasaaradaha iyo hay’addaha.”

 

 

 

 

Leave a Reply