Wasaaradda Dastuurka oo Tababar u Qabatay Agaasime-waaxeedyadda Cududda Shaqaalaha W. Dawladda

0
375

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa shalay magaaladda Hargaysa tababar uga furay agaasime-waaxeedyadda cududda shaqaalaha ee wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda.

Tababarkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa ku saabsan barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Waxaana kulankaasi furay wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo ay wehelinaysay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa furitaanka tababarkaasi ka qayb galay agaasimaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Mirre Nuux, iyo agaasime-waaxeedyadda cududa shaqaalaha ee tababarka loo qabtay.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarkaasi ayaa sharaxay u jeedadda tababarkaasi, iyo muhiimadda uu leeyahay.

Waxaanu sheegay in ay noqonayso markii u horaysay taariikhda oo tababar noocan ah loo qabto agaasime waaxeedyadda cududda shaqaalaha ee wasaarradaha dawladda.

“Taariikhda waa markii koowaad ee jamhuuriyadda Somaliland intii ay jirtay, agaasime-waaxeeedyadda cududda shaqaalaha iyagoo dhamaystiran, ay meel isugu yimaadaan. Iyagoo qaadanay baranaya Dastuurka, iyo Waddaniyadda.

Dastuurkeenna oo shacabku ay u codeeyeen 97%, iyo Waddaniyadda. Taasoo ah tiir-dhexaadka qaran walba oo adduunka ka jiraa uu leeyahay, barto, oo uu ku dhaqmo qarankiisu”ayuu yidhi Maxamaed Xaaji Aadan.

Wasiirka ayaa xusay in agaasime-waaxeedyadda uu tababarka u furay ay yihiin dad xanbaari karra barashadda Dastuurka JSL, shuruucda ka farcanta, iyo Waddaniyadaba.

Maxamed Xaaji Aadan, ayaa tilmaamay in wadamadda caalamku ay ku kala horumareen sida ay ugu dhaqmaan qawaaniintoodda ay dejisteen.

Waxaanu yidhi “Waxaan qirayaa inaad tihiin, dad xanbaari karra, oo meel marrin karra, baraahadda Dastuurka, shuruucda ka farcanta, iyo Waddaniyada. Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadatay hirgelinta saraynta sharciga. Adduunyadu waxay ku kala horumartay ku dhaqanka qawaaniinta, iyo shuruucda ay leedahay, oo qof waliba xaqa lagu leeyahay, iyo xuquuqda uu leeyahay, uu ku dhaqmo”.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf, oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ay u qorshaysan tahay ka wasaarada ahaan in ay dhawaan bilaabaan tababarro loo qabanayo guud ahaanba shaqaale weynaha wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda JSL.

Kuwaasoo lagu tababari doono barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda, sidaas darteed na ay tababarkan ugu qabteen agaasime-waaxeedyadda cududda shaqaalaha.

Dhinaca kale agaasimaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Mirre Nuux, oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tababarkaasi, oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah.

Leave a Reply