Madax-dhaqameed Isu-xilqaamay Nabaddaynta Laascaanood oo ka Ambabaxay Magaalada Hargeysa

0
375

Hargeysa (Dawan) Madax-dhaqameedkii uu dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray xalinta shaqaaqada Laascaanood ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa, iyaga oo ku siijeeda magaalada Laascaanood.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ku hadlayay afka madax dhaqameedka u ambabaxay xalinta arrinta Laascaanood, ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay ay lahaayeen shirar ay kaga tashanayaan qaabkii loo geli lahaa xaalka magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu xusay in madaxweynaha Somaliland ay ka soo qaateen damaada ay ku galayaan xalka arrinta Laascaanood, waxaanu intaas raaciyay in aanay jirin cid dirtay oo dabada ka riixaysa balse iyagu ay si iskood ah isugu xilqaameen sidii ay u joojinlahaaayeen dhiiga daadanaya.

Waxaanu yidhi.“Haddii aanu nahay madax dhaqameedka maalmahanba shirbaanu ku jirnay, hawsha Laascaanood sidii loo qabanlahaa ayaanu ku jirnay, hawshu gacmo badan ayay leedahay, xukuumadda xataa meesha ku jirta.

Haddii aanu is raadsanay, haddii aanu is helay, waxaanu go’aansanay in aanan iska dhaqaaqin uun, in aanu madaxweynaha Somaliland la kulano, isla markaana aanu nidhaahno ‘madaxweyne arrinta damaanadeeda nagu wareeji, hawshaasi way naga soo dhammaatay, waanu kala soo ambabaxnay,”

Waxa uu bulshada ka codsaday in laga waantoobo hadalada xanafta leh ee bulshada kala fogaynaya inta lagu gudda jiro xal u helista arrinta magaalada Laascaanood.

Waxaanu yidhi.“Arrinta Laascaanood ciddii wax ka qaban karraysa haka qabato ciddii aan waxba ka qaban kareyna afkeeda haka haysato,”

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal waxa uu si cad u sheegay in aanay jirin cid abaabushay sidii ay ugelilahaayeen xal u helista arrinta Laascaanood, balse si iskood ah a iyagu “Waxaan maqlayay iyada oo la leeyahay halkana laga diray, waxaan leeyahay arrintaasi mid wax ka jiraan maaha, rag is xilqaamay ayaanu nahay oo xalinta arrinta Laascaanood u socda”

 

 

Leave a Reply