Golaha Guurtida Somaliland oo loo qaybiyay wax ka badelka iyo kaabista Xeerka Macdanta Qaranka

0
321

Hargeysa (Dawan) Golaha guurtida JSL Somaliland ayaa shalay loo qaybiyay wax ka badelka iyo kaabista xeerka Macdanta Qaran, kaasi oo ay ka shaqaynayeen gudi uu u saaray guddoomiyaha golaha Guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddidan ayaa ku gudo jirtay wax ka badelka iyo kaabista Xeerka Macdanta Qaranka muddo afar iyo tobban maalmood ah, iyaga oo ku hawlanaa sidii ay uga fiirsan lahaayeen ka shaqaynta qodobada muhiimka ah iyo inay ku sameeyaan wax ka badel iyo kaabis ku haboon xeerkan.

Xeerka Macdanta Qaranka ayaa markiisii hore ka soo gudbay golaha wakiillada Somaliland oo iyagu markii ay ka shaqeeyeen sida xeerarka golayaashu yahay u soo gudbiyay golaha guurtida si ay iyaguna wax ka badel iyo kaabis wixii ay u arkaan ay ku xoojiyaan.

Xeerka Macdanta Qaranka ayaa muhiimad wayn ugu fadhiya guud ahaan dalka iyo dadkaba waana xeerka lagu dhaqayo guud ahaan macdanta dalka iyo cid kasta oo ka shaqaynaysa arrimaha la xidhiidha macdanta.

Golaha Guurtida ayaa ka doodi doona xeerka Macdanta Qaranka maalinta Salaasada oo ay u balameen in la guda-galo doodiisa haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

 

 

Leave a Reply