Somaliland oo laga Daahfuray Mashruuca Tayeynta ururada Bulshada Rayidka ah

0
313

Hargeysa (Dawan) Waxa shalay magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad lagu daahfuray mashruuca tayeynta ururada bulshada rayidka iyada oo xooga la saarayo iyada oo xooga la saarayo aqoonta iyo shaqaalaha ka hawlgala ururada bulshada rayidka ah, iyo sameynta siyaasado horseedkara in ururada bulshadu sii jiraan.

Mashruucan ayaa loogu talo galay in uu socdo muddo saddex sano ah oo ka bilaabantay bishi Janaweri ee sannadkan ilaa bisha December ee 2025-ka, waxaana mashruucan siwada jir ah ufulin doona daladaha SONSAF, SNDF, iyo SONYO, mashruucan waxa maalgeliyay Midowga Yurub, waxaana xusid mudan in lacagta mashruucan loogu soo wareejin doono daladaha kala duwan ee fulinaya mashruucani.

Munaasibadii Daahfurka mashruucan waxa laga jeediyay hadalo kala duwan, oo la xidhiidha mashruucan iyo faa’idadiisa.

Guddoomiyaha dalada Sonsaf Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa sheegay in Dalladaha SONSAF, SONYO iyo SNDF ay si wada jir ah u daah-fureen mashruuc cusub oo uu maalgalinayo midawga Yurub, waxaanu xusay in loogu talo galay kor u qaadida iyo tayaynta awoodda ururrada bulshada rayidka ah si ay si hufan uga qayb qaataan ugalana shaqeeyaan hay’addaha dawladda ee ay khusayso ka doodista, wax-ka-bedelka iyo curinta siyaasadaha iyo mashaariicda saamaynta ku leh bulshada inta nugul sida naafada ah, kuwa laga haybsooco, dhallinyarada iyo haweenkaba.

 

Leave a Reply