Isbedela Mucjisada Ee Aadamiga!

0
351

Jidhka qofka banii’adamka ah ayaa noqday mucjiso iyo amankaag sida uu shaqaynayo, Waxaana la ogaaday in maskaxda qofka ay kaydin karto 2 malyuun oo macluumaad ah halkii ilbidhiqsi ee keliya iyadoo haddana aanu miisaankiisu ka badnayn 2 KG,  waxa kale oo uu ka kooban yahay 150 Unug ugu badnaan.

Arrimaha kale ee yaabka noqday Waxa ka mid ah Isha qofka oo ilbidhiqsita maalintii 8000 goor , halka dareemaha dhadhanka uu ka kooban yahay 3 qaybood oo carabka dushiisa ah oo kala sareeya, midkoodna uu dhadhamiyo dhanaanka, kan kale macaanka iyo kan sadeexaad oo isna ah dareemaha kulaylka.

Qofka Insaanka ah Wadnihiisa ayaa isna sameeya garaac dhan 100 kun oo jeer maalin kasta, beerka ayaa isna lixdii todobaadba mar cusboonaysiiyay  shaqada uu jidhka u hayo, , iyadoo sidaasi oo kale kelyuhun ay noqdaan sideedii todobaad hal mar. Laakiin Maqaarka qofka ayaa isaguna bil kasta is bedel ku dhacaa, kaasi oo ah kan muujiya da’da iyo awooda jidh ahaaneed ee qofka.

Leave a Reply