Dareenkii Arrin Kasta Oo Bilow Ah!

0
193

Haddii aad ka hesho dhammaan taariikhda taariikhda filimada, ma maqashay sheekada filimka tareenka oo ah kii u horeeyay ee isagoon midab lahayn la dhigo. Waxaa uu ah Tareen madow oo aamusan. Magaca filimku waa “ Tareenkii wuu soo gaadhay istaanka” .

Filimkan ayaa la dhigay sanadkii 1896, waxaana sameeyay Auguste iyo Louis Lumière, oo ah niman hal abuur leh oo ka mid ah dadka ugu horreeya ee curiya sawirada socda ama xarakeya.

Sida sheekadu sheegeyso, muuqaalka tareenka midabka madow iyo cadaanka ah ee aamus ee xawaaraha ku socda waxa uu buuxiyay shaashada filimka oo lagu dhigayay magaalada Paris, dadka daawanayay filimka  waxay u maleynayeen inuu goobta uu Tareenku si toos ugu jiro oo dhex socdo, may rumaysan karayn inuu yahay sawir socod oo khayaali ah.

Tareenku socday ayuu ku soo leexday dhinaca daawadayaasha aad ayay u naxeen, waxa ay filayeen inuu leexdo, laakiin markii uu dhinacooda ku soo waajahnaa ee uu baydhi waayay ayay mar keliya albaabka boobeen oo ka yaaceen goobta filimka lagu daawanayay si aanu tareenku u jiidhin.

Waxa ay dadku u qaateen in tareenku uu ka soo dhex baxayo shaashadda, oo haddii aanay goobta ka kicin uu jiidhayo.

Leave a Reply