Taariikhdii Waalayd Ee Yurub, Xukunadii Aan Naxariista Lahayn!

0
283

Barqadii ayuu Garsoorihii da’da ahaa minbarka maxkamadda ee uu dacawadaha ku dhegaysto soo fadhiistay isagoo xidhan huga ay caanka ku yihiin marka ay dacwadi socoto.  Waxaana uu kor ugu dhawaaqay codkiisa dheer oo derbiyada maxkamadda ka soo noqonayay iyadoo loo malaynayo in laga daba hadlayo  : “ Keena oo soo geliya Eedaysanaha Qaacadda Maxkamadda!”  Waa goobta maxbuuska la fadhiisiyo.

Albaabka looxa ah ee maxakamadda aya la furay waxaana soo galay afar ilaaliye oo xoog weyn oo garbaha ku sida Qafas shebeg xadiid ah oo weyn oo gudihiisa uu ku jiro eedaysane silsilad adag ku kantiinadaysan.

Dhageysiga dacwadda ayaa furmay Xeer Ilaaliyaha Guud  ayaa tilmaamay fartana ku fiiqay eedaysanaha maxbuuska  ah ee ku jira qafiska, waxaana uu codsaday in xukunka ugu adag lagu qaado isagoo ku eedeeyay inuu cunay laba hablood oo yaryar.

Dhegaystayaasha dacwadda ayaa u jeestay dhinaca qafaska shebegga xadiidka ah, mise waxa dhex fadhiya Xayawaanka Yeyga oo indhihiisa la raacraacayay dadka dacawada dhegaysanaya.  Yeygu waxba kalama socon waxa maxkamadda ka socda iyo  inuu yahay eedaysane midna.

Wuxu  mararka qaarkood ku dhex ciyaarayay Shebegga isagoo ah geesi oo aanay kaba qasnayn. Ka dib markii xeer ilaalinta iyo  markhaatiyadii iyo cadaymihii kale la hor keenay  garsooraha dhegaysanayay, waxa dood adag iyo muran dhex maray garyaqaankii u doodayay xayawaanka Yeyda ah oo isagu ka difaacayay denbiga lagu soo oogay Yeyga waxaana uu uu ku doodayay garyaqaanka difaacaya Yayga “ in aanu caqli lahayn oo la mid yahay qofka waalan, ilmaha yar iyo weliba inuu gaajoonayay”.

Intaasi ka dib dacwaddii ayaa xidhantay, Maxkamadduna aamuus ayay wakhti yar gashay waxa keliya ee la maqlayay waxay ahayd neefta dhegaystayaasha hoolk axkamadda fadhiya, kuwaasi oo sugaya go’aanka maxkamadda.

Xaakinka iyo kaliyayaashiisa ayaa tashi galay ka dibna garsooraha ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridyo xayawaanka Yeyda waaana uu cod dheer ku yidhi :” Waxa noo cadaatay inuu Yeygu denbiile yahay oo uu cunay laba hablood oo yaryar, sidaa awgeed anagoo raacayna qodobada waxyeelada ay nooluhu isu geystaan waxaanu ku ridnay ciqaab adag oo ah in la dilo ilaa uu dhimanayo.  Iyo in xukunkaasi lagu fuliyo goob dadka oo dhami goob joog ka yihiin”.

Mid ka mid ah sababaha reer Yurub kiisaska xayawaanka ugu gudbinayeen maxkamadaha ayaa ahayd iyagoo ay ugu muuqatay aragti ahaan inay ilaalinayaan sharciyada noolaha dhamaantii sida uu Garsooruhuba u cadaynayo eryada “waxyeelada noolohu isu geysto”.

Tani maaha arin yaab leh maxaa yeelay Yurub qarniyadii dhexe waxay la il darayd saboolnimo cudurrada faafay iyo aqoondaro xadhkaha goosatay

Horumar la’aanta iyo Aqoondarada ayaa ahaa arrimaha ugu muhiimsan ee xilliga madow ee taariikhda Yurub. Waaydaasi dadku waxay ku  jireen xaalad adag iyo xukuno shar badan.

Dhamaan arrimahan waxa gacan ka geystay shakiga iyo garasho la’aanta, waxa keliya ee ay dadka reer yurub wadaagayeen wuxu ahaa cabsi dhamaantood saamaysay. Sidaa darteed sababta ugu weyn ee loo aasaasay maxkamadeynta xayawaanka ayaa ahayd in cadaalad iyo nabad la helo. Iyo in sharciga lagu fuliyo noole kasta haduu yahay Aadami ama xayawaan.

Waxaana cadayn u ah in marka garsooruhu xukunka ku rido xayawaanka ku dhawaaqi jiray kelmadaha :” Waxaan xayawaankan lagu xukumay dil si cadaalada loo sugo”. Ama “ Waxaanu ku xukunay xayawaankan deldelaad iyadoo laga jarayo denbigii foosha xumaa ee uu sameeyay si cadaaladda loo sugo”.   Maxkamadahani waxay Yurub ka hawlgeli jireeen laga bilaabo qarnigii 12aad ilaa la soo gaadhay 18aad  . Waxaana wakhtiyadaasi lagu fuliyay dilal kala duwan xayawaano Maroodi, Daayeero, Yey iwm.

 

 

Leave a Reply