Mushkulad Kasta Waxa Ay Maarayn Karaan!

0
169

Waa jir dad ay adag tahay inay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka xunxun ee ka ag dhow, waxa ay awood u leeyihiin inay xakameeyaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankoodaba.

Waxa jira dad arrin kasta oo ay fulinayaan hadaf  iyo ujeedo u diyaarsada. Ma sameeyaan hawl aan hadaf iyo ujeedo lahayn.

Nooc dadka ka mid ahi wuxu aqbala dabeecadaha dadka kale hadii uu yahay mid dabeecad xun ama mid dabeecad wanaagsanba, dhamaantooda waxa uu ula dhaqmaa si isku mid ah oo aan kala sooc lahayn. Dadkan dhaqanka lihi waa dad isku kalsoon oo aan wax kasta iyagu isla jeclayn, waxaana ay u arkaan in dantooda ay ka dhex arki karaan danta guud.

 

Nooc kale oo Dadka ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato dagdag, waxa dhici karta in gacan culays iyo raajini jirto, laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, deganaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosha ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna. Waxa ay qeexaan mushkuladda, markaasi ayay soo bandhigaan hababka loo xalili karo, ka dibna habka ugu haboon ayay qaataan, isla markaana waxa ay fuliyaan habka ugu haboon ee ay doorteen. Dhamaadka fulinta waxa ay ku sameeyaan dib u eegis si ay u xaqiijiyaan in mushkuladdu dhamaatay iyo in ay weli jirto.

Leave a Reply