Arday baratay Shaybaadhka iyo Umulisanimada oo munaasabad loogu qabtay Hargeysa

0
219

Xubinta koowaad ee Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, arday baratay shaybaadhka iyo umiulisanimada oo magaalada Hargeysa munaasibad loogu fooladaynayay qalinjabintooda loogu qabtay.a

Arday baratay sheybaadhka iyo umulisnimada ayaa ka aflaxday machadka culuumta caafimaadka ee Hargeysa.

Waxa kaqeyb galay munaasabada maamulka machadka culuumta caafimaadka ee Hargeysa, Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xassan Maxamed Cali, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda qaybo kala duwan oo xirfadaha caafimaadka ah ka baratay dugsiga barashada caafimaadke ee magaalada Hargeysa ayaa waxay ahayd dufcadii 24-aad ee dugsigaas wax ka barata.

Ardaydan loo qabtay munaasibada ayaa waxay barteen qaybaha kala ah kaal-kaaliyeyaal, shaybaadhka iyo umulisooyin, kuwaas oo dugsigaas in muddo ah ka baranaayay culuumta la xidhiidha qaybahaas.

Agaasimaha mac-hadka barashada culuumta caafimaadka ee magaalada Hargeysa Drs. Naciima Mursal Xuseen, waxaanay sheegtay in mac-hadkaasi yahay mid dawladeed oo hoos yimaada wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, isla markaana ay ardayda baraan aqoon tayo leh oo la xidhiidha qaybo ka mida culuumta caafimaadka, waxaanay u mahadcelisay masuuliyiinta wasaaradaas, oo ay tilmaantay in ay qayb muhiim ah ka yihiin horumarka mac-hadkaas.

Masuuliyiin ka kala socday ururka kal-kaalisooyinka caafimaadka, urur shaybaadheyaasha Somaliland, hay’adda mihnadleyaasha caafimaad, qaar ka mida masuuliyiinta jaamacadaha dalka ayaa waxay bogaadiyeen ardaydaas ku soo biiray bahda caafimaadka Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa ardayda mac-hadkaas wax ka baratay ku bogaadiyay dadaalkii ay soo galiyeen in ay soo gaadhaan heerkan ay maanta joiogaan, waxaanuu u soo jeediyay in aqoontii la baray ay ugu adeegaan bulshadooda ay wax u soo barteen.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa sheegay in waxbarashada caafimaadka Somaliland ay soo martay heerar kala duwan, waxaanuu intaas ku daray in wasaaradda caafimaaddku diyaar u tahay in la shaqayso, waxaanuu wasiirku intaas ku daray in wasaaraddu sii xoojin doonto dadaalada ay ku taageeyso horumarinta waxbarashada ee mac-hadkaas bixiya culuumta caafimaadka.

Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi wuxuu si rasmi ah u daah-furay dugsigaas oo heerka aqooneed ee dhanka caafimaadka ah ee uu bixin doono la gaadhsiiyay heer jaamacadeed.

 

Leave a Reply