“Waxay ku Fashilmeen Waddani iyo UCID in ay Bulshada Kasbadaan” Urur Siyaasadeedka Talowadaag

0
147

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talowadaag Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa naqdiya Siyaasada labada Xisbi Mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu sheegay in Xisbiyadda Waddani iyo UCID ay ku fashilmeen in ay kasbadaan bulshada Somaliland, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Madaxdhaqameed Umadda la soo hor istaagaan in beeshooda waxba loo ogolayn.

Ibraahim Buubaa oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Isbahaysiga labada urur Siyaasadeed ee Mucaaradka waxa ay caadaysteen baryahan dambe in Madaxdhaqameed lagu soo sameeyay Buurta gacanlibaax, iyaga oo isticmaalaya ay yidhaahdeen waxa ay matalayaan beesha oo ah beel balaadhan, waxa aan leeyahay Axsaabta Mucaraadka sheegan jiray ee wakhtigu ka dhamaaday, markii aad ku fashilanteen in aad kasbataan bulshada kale ee Somaliland in aad magaca reerka rinji madaw marisaan oo aad tidhaahdaan wax baan lanoo ogolan reerka waa ayaan darro.”

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talowadaag Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradku ay mareen waddadii lagu yaqaanay siyaasiga Fashilma, waxaanu yidhi “Siyaasigu marka uu gaadhi kari waayo u jeedadii uu lahaa iyo kursigii uu ku socday, waa caadadiis in uu magaca reerka uu ka soo jeedo uu xoqxoqo, oo Madaxdhaqameed Umadda la soo hor istaagaan waxbaan lanoo ogolayn. waa nasiib darro. waxaana aan leeyahay reerku waa reer balaadhan oo daga lixda gobal ee Somaliland”.

Sidoo kale Ibraahim Buubaa ayaa waxa uu tilmaamay in Madaxdhaqameedka Deegaanka uu ka soo jeedo aan loo dooran hogaaminta Siyaasada beesha. waxaana uu yidhi “Dhaqanka waxa loo doortay arimaha magaha iyo arimaha reerka, looma igman wakiilna noogama aha Madaxdhaqameedka magaca reerka sheeganaysaa Siyaasada iyo hogaaminteeda sidaa darteed waxa aan leeyahay Madaxdhaqameedka ku eekaada shaqadiina”.

 

Leave a Reply