Kulan wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortaga cudurka HIV/ AIDS oo lagu qabtay Hargeysa

0
189

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo bulshada loogu baraarujinayo khatarta cudurka HIV/AIDS iyo sida looga hortagi karo.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay ardayda dhigata jaamacadda kuwaasoo loo jeediyay talooyin ku saabsan sida looga gaashaman karo cudurka HIV/AIDS.

Agaasimaha wacyigelinta iyo abaabulka iyo koomishanka xakameynta xannuunka AIDS-ka Maxamed Xaaji Yaasin ayaa ka waramay ahmiyada kulanka lagaga hortago xannuunka HIV/AIDS.

Waxaanu yidhi “Maadama aad tihiin laf dhabartii, ubixi, maamulkii iyo hoggaankii barito, in aynu ku baraarugsanaano isla markaana aynu Qarankeena ka difaacno wixii ku imanaya ee xannuun ah, sidaasi darteed xannuunkan HIV/AIDS, waala yaqaana barrigii hore dadkeenu waxa ay ka qabeen sas balse hadda dawo ayaa timid, dawadaasi waxa ay noolaynaysa unugyadii uu xannuunku dilaayay, sidaasi darteed wacyigelintii in aynu kor u qaadno oo aynu balaadhino weeyi, dadka inta wanaagsan ayaa badan balse inta moogan ayaynu rabna in aynu baraarujino”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in aan la takoorin dadka la nool xannuunka HIV/AIDSka, oo aan sas laga qaadin.

Waxaanu yidhi.“Waa in aan la takoorin dadka xannuunka la nool, oo aan laga sasin, ee sida macaanka iyo dhiikarka iyo xannuunada kale ayuu la mid yahay, kaliya isagu waxa uu dheer yahay faafitaankaas,”

 

 

 

 

Leave a Reply