Wasiirada Talyaaniga oo cadho ka muujiyey soo Jeedin lagu mamnuucayo Sigaarka

0
208

Soo jeedin ka timi wasiirka caafimaadka Talyaaniga oo sheegaysa in la kordhiyo mamnuucista sigaarka ee meelaha bannaanka ah, baararka iyo jardiinooyinka, ayaa soo jiidatay cadho ka timid asxaabta garabka midig ee golaha wasiirada, sida ay soo tebisay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaa.

Xubnaha golaha wasiirada ee diidan soo jeedinta ayaa wasiirka caafimaadka ku calaamadiyay shuuci kelitalis ah.

Wasiirkan caafimaadka Orazio Schillaci oo ah farsama yaqaan aan xisbina ka tirsanayn ayaa hore u sheegay in bisha January uu la dagaalami doono sigaarka oo ay ku jiraan sigaarka loo yaqaano elektaroonigga oo ay dhallinyaradu aad u isticmaalaan.

Meelaha cusub ee hadda lagu soo daray waxaa ka mid noqon doona dhulka bannaan ee baararka, meelaha gaadiidka dadweynaha lagu sugo iyo Jirdiinooyinka bannaan hadii ay joogaan Haween uur leh iyo carruur. Sidaa waxa sheegay wargeyska La Stampa ayaa sheegay Isniintii.

Wasiirka dhaqanka ee da’da yar Vittorio Sgarbi, oo aan la gaban ra’yigiisa, ayaa ku tilmaamay aragtida Schillaci mid “cabsi gelin” wuxuuna sheegay in mamnuucida noocan ahi ay dhiirigelinayso dadka inay sigaar sii cabbaan.

“Tani waa wax lagu yaqaan nidaamka Shuuciga ah iyo kaligii-taliyeyaasha,” Sgarbi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AdnKronos.

Machadka caafimaadka ee ugu sareeya Talyaaniga (ISS) ayaa sheegay in boqolkiiba 24% dadka waaweyn ee Talyaanigu ay ahaayeen kuwa sigaar cabba sanadkii hore – qiyaastii 12.4 milyan oo qof ayaa la diiwaan geliyey tan iyo 2009.

Dawladdu waxay sannadkii 2003-dii soo saartay mamnuucidda sigaarka lagu cabo gudaha, kaas oo la dhaqan galay laba sano ka dib.

Ururka caafimaadka Fondazione Umberto Veronesi ayaa ku qiyaasey in ugu yaraan 43,000 qof ay ugu dhintaan Talyaaniga sanad walba sababo la xidhiidha Sigaarka.

Soo jeedintan wasiirka waxa kale oo shaki ka muujiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna hogaamiyaha xisbiga League Matteo Salvini, kaas oo joojiyay sigaarka afar sano ka hor laakiin wuxuu sheegay in xayiraadda hawada furan ee sigaarka elektaroonigga ah ay tahay mid la buunbuuniyey, waxaana ka muuqata inuu diidan yahay xayiraadaa.

“Sigaarka elektaroonigga ahi wuxuu dad badan ka caawinayaa inay iska dhaafaan sigaarka caadiga ah,” ayuu ku soo qoray Twitter-ka. Wasaaradda caafimaadka kamay fal celin cadhada wasiirada qaarkood.

Soo jeedintan ayaa u baahan inay ansixiyaan Golaha Wasiirada ka hor inta aan loo gudbin baarlamaanka.

 

Leave a Reply